Muqdisho(GNA)-Weerar loo adeegsaday hubka culus ee hoobiyeyaasha loo yaqaano, ayaa caawa dhowr jiho lagaga soo tuuray aqalka Madaxtooyada , saacado kaddib markii uu qarax xoogan oo loo adeegsaday gaari lagu soo xiray walxaha qarxaa uu ka dhacay agagaarka Isgooska Sayidka ee Laamiga Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho.Ma jiro wax khasaare ah oo ka soo gaaray noole iyo dhismaha aqalka madaxtooyada weerarkan gacan-tugaaleynta ah, hase ahaatee wararku waxay intaas ku darayaan in ciidamo tiro badan lagu soo daadiyay agagaarka madaxtooyada iyo jidadka loo soo maro ee meelaha fog-fog ka yimaada.
ma jirto cid sheegatay weerarkan hase ahaatee warbaahinta Ururka Alshabaab ayaa ku warantay in illaa 9 madfac ku dhaceen dhismayaasha safaaradaha Itoobiya iyo Jabuuti oo dhammaantood qeyb ka ah xayndaabka Villa Somaaliya.
Waa weerarkii labaad ee Madaxtooyada lagu qaado xilli habeennimo ah lixdii bilood ee ugu dambeeyay Sanadka sii dhaamanaya ee 2014.
Weerarkan ayaan ku soo beegmaya iyadoo uu cirka ku shareeranyahay khilaafka xooggan ee u dhexeeya Madaxda ugu saraysa dawladda oo saameeyay howl-maalmeedkii iyo waajibaadkii shaqo ee Golaha shacbiga iyo Hay’addaha xukuumiga ah.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com