Hargeysa(GNA)-Wefti ka socda dalka Itoobiya oo maalintii Arbaca booqasho ku yimi Somaliland ayaa kormeer indho-indhayn ah ku tegay Khamiistii Magaalooyinka Berbera iyo Tog-wajaale oo laf-dhabar u ah Dhaqaalaha dawladda ka soo gala Badda iyo Berriga, waxaanay tani u muujinaysaa istaraatiijiyad cusub oo ay dawladda Itoobiya ka leedahay magaalooyinka ay booqdeen.Wefti Itoobiya oo ka kooban saddex Wasiir, lix agaasime guud iyo wakiillo ka socda Hay’addaha Koranta iyo ta baatroolka u qaabilsan Federaalka, waxay booqdeen Deked cusub oo laga sameeyay Duleedka Marsada weyn , Kaydka Haamaha Shidaalka iyo goobo kale oo ku yaalla Magaalo-xeebeedka Berbera.

Saraakiisha Dawladda Somaliland u qaabilsan xarumaha ay booqdeen weftigu, ayaa warbixino ku siiyay halkaasi, waxaana safarkan Magaalooyinka weftiga reer Itoobiya ku wehelinayay Wasiirro iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan laamaha Xukuumadda Somaliland.
Weftiga ayaa xalay Casho sharaf loogu sameeyay Aqalka madaxtooyada Somaliland, halkaasoo ay kulan kula qaateen Madaxweynaha dalka iyo xukuumaddiisa.
Weftiga reer Itoobiya waa kii ugu miisaan cuslaa ee Somaliland yimaada, afartii sanno ee u dambeysay, waxaana hogaaminaya Wasiirka Maaliyada Axmed Sufyan.