Pages

Sunday, November 16, 2014

Siilaanyo iyo Muuse oo farriimo aan meesha qaban bixiyay Khilaafka shareeran

[caption id="attachment_87150" align="alignleft" width="300"]Muuse iyo Siilaanyo oo wax isku og Muuse iyo Siilaanyo oo wax isku og[/caption]

Hargeysa(GNA)-Hogaamiyeyaasha Asxaabta Siyaasadda, Madasha-wada tashiga, Madaxdhaqameedyo iyo bulshada rayidka ah ee ku dhaqan Gobollada Somaliland ayaa si kulul u cambaareeyay talabada Xukuumaddu ku xayirtay howl-gudashada golaha Xeer-dejinta, xadhiga Xildhibaanada Xasaanada huwan iyo rayidka. Waxaanay dhanka kale walaac xooggan ka muujiyeen Xaalada uu dalku marayo oo ay sababteeda dusha u saareen talada haysa.

Hogaamiyeyaasha Dalad-iyaasaddeedka Madasha wada-tashiga iyo toosinta Qaranka iyo xubno ka mid ah Madaxda Xisbiyada Mucaaridka ah oo shirar jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa shalay markii ay socdeen dibad-baxyada quwad ciidan lagu muuqiniyay, ayaa dhinac iska ka-wada istaagay , arimahaas, iyagoo mar kale cambaareeyay xad-gudubyada sharci, maamul-xumada iyo man-jaro habaabin qaran ee ay dalka ku hogaaminayso Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Mucaaridka ayaa talaabooyinka qalafsan ee ay xukuumaddu qaadayso ku micneeyay kuwo ay dariiqa ugu xaadhayso in dalku uu galo xaalad deg-deg ah oo ay ugu marmarsiiyoonayso muddo korodhsi, sida uu sheegay Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee Xisbiga UCID Muj. Cali-guray oo ka mid ahaa Koox siyaasiyiin ah oo u badan Odayaasha ka nool saraakiishii SNM.

“Caqliyadii Dumarka iyo Ciyaalku halkay maanta Somaliland marinaysaa waa meel aad u halis ah, hadana maanta waan faraxsanahay.! “Waxaan ku faraxsanahay Shirqoolo badan oo is-daba socday kuwii hore, waynu ka soo gudubnay, kii kalena wajigiisii koowaad waynagan ka soo gudubnay.” Ayuu yidhi.

Waxaanu intaasi ku daray “Maanta waxaa dalka ka dhacaya waa dagaal doorashada lagula dagaalamayo. In xeerka la ansixiyo, in Komishanka la ansixiyo dhiigba la doonayaa in lagu daadiyo, maantaba (Shalay), qaarbaa burco ku dhintay”.ayuu yidhi Cali Guray.

Muj. Cali ayaa intaasi raaciyay “Kal-fadhigii Shirqoolka lagu fulin lahaa muu qabsoomin, waayo xildhibaano badan ayaa dib u xisaabtamay, Ninkii Damiir qabta, Diin ama dadnimo qabata lahaa dibuu isu raajiciyay”.

Geeska kale, xubno ka mid ah hogaanka Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani,kana mid yahay Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Axmed Muumin Seed, ayaa cambaareeyay xaaladan shalay dalka la geliyay.

“waxaanu Cambaaraynaynaa dhibaatada dadka Somaliland soo gaadhaysa ee sida hadda na soo gaadhaysa Burco dad ku dhinteen,dad kalena ku dhaawacmeen.aad iyo aad baanu runtii uga xunnahay una cambaaraynaynaa,umaddana waxaanu u soo jeedinaynaa inay Nabad galyadooda xukumadda ka ilaashadaan oo aanay ka baabiin.” Ayuu yidhi Xogyaha Waddani

Maxamed Cabdillaahi Uurcadde waxa kale oo Xukumadda ku duray Xadhiga ay kula kacday ilaa 5 Xildhibaan iyo 6 Wariye oo ku xidhan Xarunta CID-da ee Hargeysa “Waxa kale oo aanu cambaaraynaynaa Xadhiga Xukumaddu kula kacday Xildhibaanada Umaddu soo dooratay iyo Wariyeyaasha,aad iyo aad baanu u cambaaraynaynaa ugana xunnahay,waxayna umadda tusaysaa in halka Xukumaddani dalka ku wadaa tahay Burbur iyo Baaba”

Dhanka kalena Waxaa Shirkaasi Jaraa’id ka hadlay Dr Maxamed Cismaan Fadal,Xogyaha Arimaha dibada ee Xisbiga Waddani,” Waxaas maanta (shalay) dalka ka dhacay waxa ina dhaxal siiyay dad intay Madaxtooyada isku soo xidheen Guri quraarad ah ku jira oo u haysta in intay Ciidamada Amraan Dadka Xadhig iyo Qori loogu cagajugleeyo oo  lagu dulayn karayo Xaqii iyo dimuqraadiyadii iyo waxay halganka u soo galeen.waxaa guudka looga tuurayaa Madaxweynaha waxa dhacaya iyo in Xildhibaanadii dadku soo doorteen dad ay ka darajo sareeyaan xidhayaan,dadna lagu dilay oo dhiig ku daadanayo” ayuu yidhi Dr Maxamed Cismaan Fadal.

Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Axmed Muumin Seed, ayaa isaguna hambalyo u diray go’aanka geesiminada leh ee ay Mudaneyaasha ka soo jeeda gobolka Awdal kaga muquurteen fadhiga dhagaraysnaa ee baaqday.

Geesta kale, Guddoomiyaha Madasha wada-tashiga Muj, Xasan Guure, Muj, Xasan Ciise Jaamac iyo Ibraahim dhego-weyne, oo iyaguna shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa si kulul u dhaleeceeyay talaabada xukuumaddu ku xidhay Golaha Wakiillada, xabsigana ugu taxaabtay Xildhibaanada iyo Dadka rayidka ah.

Odayaashan, ayaa ka digay inay natiijooyin aan la mahadini ka dhashan cadaadiska heerkan gaadhsiisan ee ay hay’adda fulintu saartay Golaha xeer-dejinta ee dastuuriga ah, taasoo qaabka hada loola wareegay ka turjumayso bay yidhaahdeen, ku-tumasho dastuur iyo dhaawac loo geystay mid ka mid ah awoodaha nidaamka dalku ku dhisanyahay ee dastuuriga ah.

Dhinaca kale, Siyaasiyiin iyo madaxdhaqameedyo Wargeyska YOOL, soo gaadhsiiyay saacadihii la soo dhaafay, dhambaalo ay arrintan kaga dareen celinayaan, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay mushkiladda ay dawladdu horseedka ka tahay ee dalka ka taagan.

Suldaan Maxamed Jaamac Jikaar iyo Suldaan Mukhtaar Jibriil Muuse oo ka mid ah Madaxdhaqameedka Somaliland, oo ka mid ah dadka arrintan ka hadlay, ayaa cambaareeyay xiisada xaasaasiga ah ee u dhaxaysa Hay’addaha Qaranka, waxaanay masuuliyada dhacdooyinkii shalay ruxay waddanka dusha u saareen Xukuumada.

“Waxaan ku talinayaa in arrinta dhulka la dhigo. La joojiyo keli-talisnimada dalka lagu maamulayo, faro-gelinta iyo weerarka laga daayo Golahan Shacbigu soo soortay ee Wakiillada, waayo shacbibaa soo doortay oo meeshan geystay, hadii la weerarana dee shacbigu way kacayaan. markaa madaxweynaha waxaan leeyahay dalka halaga daayo Digtaytarnimada”sidaasi waxa baaq uu soo gaadhsiiyay Wargeyska Yool ku sheegay Suldaan Maxamed Jaamac Jikaar.

Docda kale, iyadoo dareenka shacbigu heerkan gaadhsiisanyahay , isla markaana si weyn looga walaacsanyahay halka uu ku dambeyn doono yooyootanka u dhexeeya Hay’addaha dawliga ah iyo Mucaaridka sharci ku-dirirka ah, ayaa Guddoomiyaha Xisbiga Mucaafidka ah ee Kulmiye Muuse Biixi iyo Madaxweynaha dalka xukumaa fariimo ay Warbaahinta dawladda mariyeen , ku difaaceen eedeymaha xukuumadda loo jeediyay,

Muuse Biix Cabdi ayaa si kaaf iyo kala dheeri ka muuqato, shaaca uga qaaday inay Xisbi ahaan gogol-nabadeed ugu baaqyaan dhamaan dhinacyada uu khilaafku u dhexeeyo.

Muuse Biixi Cabdi, oo la hadlay Warbaahinta dawladda, ayaa dhinaca kale ku doodday in is-mari-waagu u dhexeeyo Golaha Wakiillada oo qudha, cid ku wehelisaana ay jirin. “ hadii aanu nahay Xisbiga Kulmiye waxaanu u fidinaynaa garabyada ishaya Gogol-nabadeed, waxaanan ku baaqayaa in arrinta wada hadal lagu xaliyo.” ayuu yidhi Muuse Biixi oo hadlay wakhti yar kaddib markii uu fariin soo saaray Madaxweyne Siilaanyo oo Xukuumadiisa dhinac uga leexiyay gabi ahaanba eeddaha loo jeediyay.

Siilaanyo, ayaa ku andacooday inaan shuruucda Doorashooyinku u dabranyihiin wax gacantiisa ku baaqday jirin, uuna gudbiyay Golaha is-haysta ee xeer-dejinta oo uu taaga ku canaantay masuuliyad-daro.

Waxa uu sidoo kale iska leexiyay shaqaaqooyinka dalka ka dhacay oo uu farta ku goday inay abuureen Baarlamanka oo aanu kala saarin garabyada uu u kala qaybsanyahay. “waxaan ka xumahay in ay dhacdo maanta khilaaf iyo shiqaaqo uu abuuray Golaha Baarlamaanka. Waxay Hay’adaha ay khusaysa isoo gaadhsiiyeen in sababtaa awgeed loo dhaawacay ciidamadii ammaanka sugayey” hal qof oo shicib ah ku dhintay, afar qof oo kalena ay ku dhaawacmeen “.ayuu yidhi.

“Waxaan leeyahay Golaha Wakiilada waxaa idin saaran masuuliyad culus oo bulshadu idinka fadhido, ma aha in aad maalin walba is haystaan oo Qaranka qas gelisaan, dhammaan waxaa idiin soo gudbiyey Xeerarkii muhiimada Qaranka u lahaa. Xeerkii Ammaanka, Xeerkii Doorashada, Miisaaniyadii Qaranka, Komishankii Doorashooyinnka. Waa khalad in Guddoomiyuhu maalin kasta nagu eedeeyo in aanu faragelin ku hayno Golaha, mana jirto. Shaqada Qaranku idinka sugayo ka hawlgala, idinkuna wixii dhexdiina yaalla wada hadal ku dhammaysta, sharcigana u hoggaansama.” Ayuu hadalkiisa raaciyay Siilaanyo oo dhanka kale shacbiga ugu baaqay inay nabad-gelyada ilaaliyaan xilli ay xaaladu faraha ka haaday.

Dhawaaqyada ka soo baxay Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiyaha Xisbiga Xisbiga talada haya ayaa soo baxaya xilli ay dhegaha iyo indhaha Bulshadu ku maqanyihiin dhacdooyinkii aan la mahadin ee ka dhashay cadaadiska dhafoor-taabashada ah ee ay khamiistii Ciidamada ku dul-dhigtay xukuumaddu xarunta Baarlamanka.

Dadka tacliiqiya arrimaha maamulka iyo siyaasadda ayaa fariimaha ka soo yeedhaya madaxda xukuumiga ah ee jawaab celinta u ah xiisada ficilka isu-beddeshay u arka kuwo ku haboonaa in shacbiga iyo dhinacyada is-haya lagu dejiyo inaanay xaaladu qasmin. “balaayo waa laga hor-tagaaye lagama daba tago”.

Ha yeeshee waxa laysku raacsanyahay inaanay kelmadaha walaaca iyo baaq-nabadeedka isugu jira ee ka soo yeedhaya hogaamiyeyaashani dariiqa ka duwaynnin Jahawareerka is-biirsaday ee hojiyay saddexdii habeen ee ugu dmabeysay oo shaqaaqadu isa soo taraysay. Indhaha waayeelkana ay u muuqatay mashaqada shalay dhacday.