Wariye kayse ahmed digaale oo ah wariye rug cadaaya oo mudo dheer ku soo dhex-jiray mihnada saxafadda qaybaheeda kale duwan sida tv-yada,idacadaha,websites-ka iyo jaraidaba ayaa isagu ah wariye tusaale fiican u noqday wariyasha ka howl-gala somaliland.waxaana wariyahani waa kayse ahmed digaale waa wariyaha tv-ga caalamiga ah Horn Cable Ee Gobalka Togdheer Uu inta Badan Bulshada reer burco usoo bandhigaa warar inta badan xiiso galiya guud ahaanba bulshadda reer somaliland dal iyo dibadba,
bulshada reer togdheer ayaa iyagu wariye sare kayse ahmed digaale u yaqana wariye ka soo dhex-baxay bahda saxafadda somaliland isla markaasna tusaale fiican u noqday qaabka uu Qofka Wariyaha ahi usoo bandhigi karo war amaba barnaamij.
wariye sare kayse ahmed digaale ayaa isagu ah wariye markasta iyo wakhti kastaba ku Dedaala sidii uu bulshada reer burco isugu keeni-lahaa isla markaasna ka shaqeeya horumarka gobalka togdheer,
Bulshada Reer Burco ee iyagu wariye kayse ahmed digaale ku Xanta Suuqa ayaa ku dhawaaqa hadalo ay ka mid yihiin burco hadii kayse Burco Madax looga dhigo burco waxay la tartami lahayd magooliyinka kale ee caalamka maadama oo bay yidhaahden kayse inta badan jecel yahay horumarka iyo wax wada qabsiga,
wariye sare kayse ahmed Digaale ayaa isagu inta badan bulshada reer burco ka wacyi-galiya qabyalada iyo tahriibta oo ay burco inta badan labadan shayba ay caan ku tahay waxaana wariye kayse alle garab-kiisa ha galee uu tariikhda gobalka togdheer kaga jiraa Baal-dahab ah,
wariyasha waawayn ee somaliyeed ayaa iyagu inta badan wariye kayse ahmed digaale u yaqanaan hormudka saxafadda somaliland,
Guud ahaanba Bulshadda Reer Togdheer ayaa iyagu wariye sarre kayse ahmed Digaale ku Tilmamaa Masuul Aan Cay iyo Aflagaado Toona Midna Aan gayin,Taasi oo ay Tusaale Fiican u Tahay Sida Uu inta Badan usoo bandhigo Warar isku dheeli-tiran Oo wada Qanciya Bulshadda Reer Togdheer Oo dhanba.
Alle Garab-kiisa ha Gallo Hormuudka Saxafadda Somaliland Wariye Sarre Kayse Ahmed Digaale,
C/Rixiin Sheikh Xariir
cabdiraxiim02@gmail.com
London-Uk