Pages

Sunday, November 16, 2014

Guriga Guddoomiye Cirro oo caawa Sagaal gaadhi oo ciidan ah la dul-dhigay

Hargeysa(GNA)-Guriga Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa Caawa la dul-dhigay Ciidamo tiro badan oo ka tirsan Booliska rabshadaha ka hor-taga.

Ma jiro war ka soo baxay Taliska Bilayska iyo Guddoomiyaha oo ku saabsan ujeeddada ciidanka loogu wareejiyay Guriga Guddoomiyaha oo dhinaca koonfur kaga beegan Hudheelka Star ee degmada Maxamuud Haybe.

Hase-ahaatee dad goob-joogeyaal ah ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay in Ciidan ku gaashaaman Sagaal Gaadhi oo nooca 4.5-da loo yaqaano ah lagu ag-daadiyey Hoyga guddoomiye Cirro.

Arrintan ayaa imanayysa iyadoo maanta ay ilaaladiisa isku dayeen taliska Bilaysku in xabsiga loo taxaabo, iyadoo wax yar kaga badbaaday inay isku dhacaan Ciidan tiro badan oo guddoomiyaha isku-hortaagay Hudheelka Imperial.