Pages

Sunday, November 16, 2014

Cirro oo si aan looga baran ugu Jawaabay Siilaanyo, muxuuse ku yidhi?Daawo

CIRROHargeysa(GNA)-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa jawaab qayaxan ka bixiyay eedeymihii uu shalay Madaxweyne Siilaanyo ku duray Golaha Baarlamanka ee ahayd inkiraada inay Madaxtooyadu faro-gelin ku hayso Xeer-dejinta.

Cabdiraxmaan Cirro oo maanta warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inay Xukuumaddu toos u soo faro-gelisay Golaha Baarlamanka, isagoo markhaati ka dhigtay ciidamada xad-dhaafka ah ee la dul-dhigay xarunta Baarlamanka.

Halkan ka Daawo: