Hargaysa(GNA).sideed (8) Xildhibaan oo ka mida xildhibaanadii maanta ka baxay kal fadhigii 8Aad ee golaha deegaanka Caasimada hargaysa, ayaa shir jaraa,id oo ay ku qabteen hotel dalxiis ee magaalada hargaysa,waxa cod dheer baaq ugu direen wasaarada Arimaha gudaha Somaliland,iyaga oo ugu baaqay in soo dhex gasho xildhibaanada dawlada hoose ee hargaysa,oo uu soo dhex galay khilaaf xoogan oo kala qaybiyay kaas oo ay sheegeen in maayirka caasimadu uu sababteeda leeyahay ka dib markii uu afduubay maamulka dawlada hoose,ee hargaysa waa sida ay hadalka u dhigeene.Xildhibaanadan oo ay tiradoodu gaadhaysay sideed (8) xildhibaan ayaa sidoo kale sheegay in dawlada hoose hargaysa uu hadheeyay musuq maasuq ay sheegeen inay ku kaceen maayirka iyo ku xigeenkiisu waa sida ay sheegeene iyaga oo dhaliilo u jeediyay hanta dhawrka qaranka oo ay ku sheegeen in aanu wali soo galin xarunta dawlada hoose, waxaanay sheegeen in maayirku abti u yahay xildhibaan saleebaan daahir (Dogax) oo arimahaasi ka hadlaay ayaa yidhi.
,hanta dhawrka la sheego maanu arag maalin qudha waxaan u malaynaya in aanu shaqaynba hanta dhawrkan la sheegaa,waxaan maqlaayay in maayirka uu Abti u yahay hanta dhawrka markaa waxa la yidhi ma soo gali karo dawlada hoose ee hargaysa,
Dhinaca kalana waxay dhaliileen shaqada gudiyada dawlada hoose qaarkood khaastan gudida dhulka oo ay ku tilmaameen qaar u sheeqeeya maayirka xildhibaan dogax oo markale ka hadlayaa waxa uu yidhi,gudida dhulku waa shan(5) nin oo maayirka daba fadhiista oo isaga u shaqeeya,
Xildhibaanadan oo tiradoodu dhamayd 8 xildhibaan ayaa kala ahaa.
1:xil: Cismaan Xasan Faarax(Cismaan waxar)
2:xil:Saleebaan Daahi(Dogox)
3:xil:xasan shahar
4:xil:mubaari cabdi malaw
5:xil:c/laahi Siciid Faarax
6:xil:c/qani macalin gahayr
7:xil:Khalid
8:xil: Axmed Cali haybe.
Si kastaba ahaatee hadalka mudanayashan ayaa ah qayb ka mida khilaafka balaadhan ee hada soo shaac baxay waxan laga dhur sugayaa halka uu ku dambayn doono.
Gobanimonews.com.office
Hargaysa/Somaliland.
Mustafe Axmed(Herer)
Herersax@gmail.com