Hargeysa(GNA)-Safiirka Dawladda Uk u Fadhiya Dalka Kenya ayaa Booqasho ku yimi Hargeysa, waxaanu kulamo la yeeshay madaxda ugu sareysa dawladda.Dablomaasiyiin sar sare iyo Masuuliyiin ka socda dawladdaha reer Yurub ayaa dhowrkii todobaad ee u dambeeyay booqasho ku galaa bixinaya caasimada Somaliland ee Hargeysa , kuwaasoo inta badan xukuumadda kala hadlay arrimaha doorashooyinka, Horumarinta iyo wada hadalka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.
Dawladda Ingiriiska ayaa Bisha October marti gelinaysa Shir lagaga hadlayo Ganacsiga Somaliland oo ka dhici doona Magaalada London ee Caasimada Uk, kaasoo fursad weyn u ah kobcinta Ganacsiga Somaliland.
Hadaba Safiirkan Ingiriiska ah ee Maanta Booqashada ku yimi Hargeysa, ayaa kulan albaabbadu u xidhnaayeen la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.
Kulankaas kaddib, waxa Warbaahinta la hadlay oo faahfaahin ka bixiyay waxyaabaha ay labada dhinac ka wada hadleen, Wasiirka Arrimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis iyo Ambasador Neil Wigan.Halkan ka Dhegeyso:
[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Codkii-Madaxweyanaha.mp3"][/audio]