Monday, September 15, 2014

Xisbiyada Mucaaridka oo khafiifiyay qaadacaadii Diwaan-gelinta "dhegeyso"

“Wada hadalo ayaa noo socda xukuumadda”UCID iyo WADDANI.hoos ka dhegeyso

nasirHargeysa(GNA)-Xisbiyada Mucaaridka ah ee Somaliland ayaa sheegay inay xukuumadda la fureen wada hadalo ku saabsan dejinta xiisada siyaasaddeed ee ka aloosan diwaan-gelinaaha Jinsiyadaha iyo Codbixiyeyaasha oo muddooyinkii dambeeyay ismari waa ka taagnaa.

Mucaaridka ayaa doonaya in la kala saaro labada diwaan-gelinood ee codbixiyeyaasha iyo ta medeniga ah, waxaanay danaynayaan in la soo horaysiiyo diwaan-gelinta codbixiyeyaasha si aanay doorashooyinka dib u dhac ugu iman.

Xisbiyada ayaa sabtidii todobaadkan qaadacay diwaan-gelinta Medeniga ah, hase ahaatee waxay maanta ku dhawaaqeen mowqif ka duwan koodii hore oo tanaasul ka muuqdo.

Waxayse si aan kalsooni badani ku jirin u sheegeen inaanu waxba iska bedelin aragtidoodii hore “waxba iskamay bedelin mowqifkayagii hore , laakiinse wada hadalbaa noo socda, wixii ka soo baxana xiligeeda ayaan ka hadli doonaa” ayuu yidhi ku simaha Xoghayaha guud ee Xisbiga UCID Cabdinaasir Yuusuf.

Xoghayaha Guud ee xisbiga Wadani Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde ayaa sheegay inay mucaarid ahaan soo dhaweynayaan talaabo kasta oo maslaxad u ah arrimaha qaranka oo aan sharciyada ka hor imanayn, una hogaansamayaan go’aamada ay isla gaadhaan xukuumadda iyo dhamaan daneyayaasha doorashooyinka oo ay beesha caalamku ku jirto.urc

Halkan ka dhegeyso Shir jaraa’id oo ay qabteen maanta:

[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Xisbiyada-Mucaridka-Ah-.mp3"][/audio]