Pages

Thursday, September 4, 2014

Xisbiga Kulmiye oo Xafiiskiisii Gobolada Bari ee Burco u xidhmay Kiradii Guriga iyo dayac kale


Mulkilaha Gurigii Xafiisku ku yaallay oo Fureyaashii kala wareegay dadkii ilaalinayay iyo Guddoomiyaha Gobolkaas ee xisbiga oo dafiray in lacag lagu yeeshay




[caption id="attachment_94495" align="alignleft" width="300"]Kaamboolka xafiiska oo la  dhistay Kaamboolka xafiiska oo la dhistay[/caption]Burco(GNA)-Xafiiska dhexe ee Xisbiga talada haya ee Kulmiye ee Gobolka Togdheer oo ay hoos-yimaadaan Gobolada Bari ee Somaliland ayaa Beryihii ugu danbeeyay iruduhu u laabnaayeen,waxaa si toos ah ula wareegay Mulkiilihii Gurigaasi laga kiraystay oo ka caydhiyay  dadkii Ilaalinayay (wash man-kii ).




Arrintan ayaa ku soo aaday xilli xisbigaasi afar sano oo qudha uu talada hayay.




Mulkilaha Gurigaas ayaa fureyaashii xarunta xisbiga ku wareejiyay mid ka mid ah qarabadiisa, inkasta oo aan wali alaabtii iyo macluumaadkii kale ee xafiiska yaallay laga gurin,waxaanay arintani dhacday ka dib markii Mulkiilaha Gurigaas wakiilka ka ah oo magaciisa la yidhaahdo Mustafe uu xisbigaas ku yeeshay afar Bilood oo kiro ah isla markaan uu xisbigu tahli waayay inuu kiradii iska bixiyo, sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen xubnaha xisbiga ee Gobolku.




 ''Furihii waa lala wareegay oo oday baa lagu wareejiyay afar bilood oo kiro ah baa lagu yeeshay '' sidaas waxa yidhi mid ka mid ah Xubnaha Xisbiga kulmiye oo arintan diidan.[caption id="attachment_94493" align="alignleft" width="300"]S6110300 Mulkilaha Guriga oo quful ku jabiyay [/caption]




 



Ma aha markii koowaad ee sidan oo kale xafiiska Xisbigaasi uu u xidmo kiro la’aan,waxaana mudo hore dhacday in mulkiilaa gurigani uu markuu kiradii ka waayay Madxda Xisbiga Kulmiye uu ka kireeyay rug caafimaad rinjigiina laga bedelay oo la cadeeyay,ka dibibna dib loo baryay dadkii kiraystay in dib ay xisbiga ugu celiyaan.




Sidoo kale xafiiska xisbiga kulmiye oo ku yaal Goob muhiim ah, waxa  ka dilaacay doox biyo mareen ah, taasoo sababtay inay  cidhiidhi noqoto, kaddib markii  gaydhadh laga dhistay  kusoo dhawaadeen,waxaanu mulkiilaha gurigaasi sheegay in barxadii xafiisku ay cidhiidhi noqotay.




Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Sahal Aadan Maxamed oo aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay si aanu wax uga waydiino ayaa gaashaanka u daruuray arintan waxanu yidhi''Anigu ma ogi,wax kiro ah oo nalagu leeyahay ma jirto markay bishu dhamaato ayay akoon ugu soo dhacdaa,inankaasina waxa uu ka cabnayaa waa guri kasoo horjeeda oo gaydh laga dhisay oo uu noola yimi anaguna dawlada hoose ma nihin.”ayuu yidhi Sahal.[caption id="attachment_94493" align="alignleft" width="300"]Mulkilaha Guriga oo quful ku jabiyay Mulkilaha Guriga oo quful ku jabiyay [/caption]




 



Xafiisyada Gobollada ee Xisbiga talada haya ayaa hore waxa looga soo sheegay dayac kan la mid ah, sida xafiiskiisa Boorama oo mar la xidhay.




Axmed Muuse Maxamed




Gobanimonews




Burco Office




Email: editor@gobanimonews.com