Pages

Saturday, September 13, 2014

Xildhibaan Waabeeye: Mucaaridku ma Carab iyo Hindi bay codka ka doonayaan”dhegeyso

Siciid Cilmi Rooble: Diwaan-gelinta Medeniga ahi waa Xaaraan laba Wasiir wadato ee dalku yaanu ku liman”Dhegeyso

Xildhibaanada Mucaaridka ah iyo kuwa Muxaafidka ah oo aragtiyo aad u kala fog kaga hadlay laalista Diwaan-gelinta medeniga ah...DHEGEYSO

WAABEEYE IYO ROOBLEHargeysa(GNA)-Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland ayaa si weyn ugu kala qaybsan xeerka diwaan-gelinta Medeniga ah, oo saaka golaha loo qaybiyay, kaddib markii Kaabis iyo wax ka bedel lagu sameeyay qabyo qoraalkiisa oo xukuumaddu u soo gudbisay dhawaan.

Xeerkan oo diwaan-gelinta lagu qabanayo muran badani ka taaganyahay, ayaa saaka sida muuqatay la doonayay in deg deg loo ansixiyo, waxaase fadhigii lagu qaybiyay si lama filaan ah uga dhextoosay Guddoomiyaha Golahaasi Cabdiraxmaan Cirro oo Safar dibada ah ka soo laabtay, kaasoo isla saaka goor dambe ka soo qayb galay fadhiga Golahaas, qaybtii dambena shir-guddoomiyay.

Hadaba markii uu fadhigu xidhmay , ayaa waxa Warbaahinta la hadlay Mudaneyaal xeerka iyo diwaan-gelintaba ka soo horjeeda iyo kuwa taageersan.

Xildhibaan Siciid Cilmi Roobe iyo Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye oo labadooduba golaha Wakiillada ka tirsan ayaa aragtiyo kaaf iyo kala dheeri ah ka dhiibtay Diwaan-gelinta iyo Diidmada Mucaaridka ee qayaxan.

Xildhibaannada Muxaafidka ah

waabeeyeXildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye, ayaa gaashaanka ku dhuftay eeddeymaha Xisbiyada Mucaaridka ah iyo qayb ka mida Golaha Wakiilladu uga soo jeedinayaan Xukuumadda Diwaan-gelinta Medeniga ah.

Waabeeye oo Waraysi siiyay Wakaalada Wararka ee Gobanimonews iyo Telefishanka Bulshotv Maanta, kaddib markii Golihiisa loo qaybiyay Xeerka Diwaan-gelinta Medeniga ah oo Kaabis iyo wax ka bedel lagu sameeyay, ayaa sheegay inay diwaan-gelintaasi waajibkooda ka gudan doonaan Gole ahaan.

“Diwaan-gelintaas hadii aanu nahay Xildhibaanada Kulmiye waxaanu jecelnahay inaanu dedejino oo aanu ansixino, waxaanay muhiim weyn u leedahay Doorashooyinka soo socda”ayuu yidhi Mudane waabeeye.

Waxaanu intaasi ku daray “ Diwaan-gelintan waxa lagu kala saarayaa qofka Somaliland u dhashay iyo ka aan u dhalan, markaa hadaan la kala saarin dadka oo aan aqoonsi la siinin mucaaridku ma Carab iyo Hindi ayay codka ka doonayaan” ayuu sii yidhi.

Waraysigan oo Xildhibaanku kaga jawaabay su’aalo badan oo laga waydiiyay Diwaan-gelintan iyo sida looga samayn karo hadiiba ay suurto gal noqoto in dalka laga qabto, Gobollada Somaliland ee aan gacanta dawladda ku jirin, sida Sool iyo Buuhoodle, waxa la yeeshay Wariye Saleeban Kalshaale.

Halkan ka dhegeyso:

[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Waabeeye.mp3"][/audio]

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble

Siciid cilmiDhinaca kale, Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, ayaa xaaraan ku tilmaamay Diwaan-gelintaas, waxaanu diidmada mucaaridku kaga soo horjeedaan ku sababeeyay laba dhowr arrimood:-

“ Diwaan-gelintaas waxay caqabad ku tahay Diwaan-gelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka”ayuu yidhi.

Waxaanu intaas ku daray “ waxay ahayd in intaan diwaan-gelin la samayn talo qaran laysugu yimaado oo laga tashado qaabka lagu salaynayo diwaan-gelintaas, oo laga heshiiyo dadka loo aqoonsanayo Muwaadiniinta Somaliland u dhashay.

Laakiinse diwaangelin aan talo laga yeelan lama qaban karo iyadoo dalkii qaybi maqantahay oo doorashooyin soo dhawyihiin”ayuu sii yidhi Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble.

“sida uu dhigayo dastuurku qofka Muwaadinka ah ee u dhashay Somaliland waxa loo aqoonsanayaa qofkii 1960-kii Isir ahaan ka soo jeeday Somaliland, hadaba diwaan-gelinta Jinsiyadaha cusub lagu bixinayaa ma waxa la diwaan-gelinayaa Oromada?. Maxaa la yeelayaa Dadka maqan ee aan wali gacanta Somaliland ku jirin?. “ anigu waxaan leeyahay yaanay dadku liman diwaan-gelintaas labada wasiir wataan” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Halkan ka dhegeyso:

[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Siciid-Cilmi.mp3"][/audio]