Sunday, September 14, 2014

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka baxaya Kulmiye, kuna biiraya mucaaridka,dhegeyso

Xukuumadda Xisbiga Kulmiye markii ay talada la wareegtay way ka leexatay Barmaamujkii Xisbiga afartaa sanadoodna wax kale oo aan ahayn Barmaamujkii xisbiga ayey...

Xildhibaan Siciid Cilmi RoobleHargeysa(GNA)-Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka tirsan Mudaneyaasha ugu miisaanka culus ee Xisbiga kulmiye ugu jira Golaha Wakiillada ayaa sheegay inuu ku rejo waynyahay inuu ka baxo xisbigaasi oo uu ka mid ahaa xubnihii xukuumadda ay isku seegeen Khilaafkii ka dhashay Shirweynihiisii 3aad.

Xildhibaan siciid oo maanta warbaahinta ugu waramayey Magaalada Hargeysa, ayaa si lama filaan ah u sheegay inuu Xisbiyada Mucaaridka ah sahan ugu jiro sidii uu ugu biiri lahaa, dhawaana uu go’aan kama dambeys ah ka gaadhi doono xulashadiisa siyaasaddeed.

Waxa uu ku dooday inuu kursiga Baarlamanka ku helay codkiisa shakhsiga ah ee aanu Xisbiga Kulmiye wax sad buursiinyo ah ka helin, haatana uu isagu go’aansaday inuu mucaarid ku noqdo “ Xisbinimadu maaha aayad qur’aan ah ee waa mabda’, waxaanan ka mid ahay xildhibaanada xisbiyada kale hada eeg eeganaya ee Kulmiye ka baxaya. “ ayuu yidhi.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, waxa uu sheegay in Xukuumadda Xisbiga Kulmiye ka leexatay balanqaadyadii ay Ololaha ku gashay. “ Xukuumadda talada haysaa way ka leexatay qorshihii Xisbigu Ololaha ku galay ee aanu barmaamujkiisa ku caddeynay. Afartaa sanno carqalad kale ayay gacmaha kula jirtaa.” Ayuu yidhi.

Halkan ka dhegeyso:

[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/siciid1.mp3"][/audio]