Waa Warbixin Uu Diyaariye lagu magacaabo Wariye Criss Brown
Xaaladda (Gobanimonews)5-9-2014- Siyaasadeed ee ka curatay Ismaamulka Kililka 5aad ee Somalida Itoobiya, ayaa todobaadadii la soo dhaafay ku jirtay Jaahwareer ka dib markii Madaxweynaha Kililka Shaand ee Md Cabdi Maxamed Cumar (Ina-Iley) iyo Saddexdiisa xubnood ee madaxweyne ku xigeenada ah khilaaf ba’an oo Siyaasadeed soo kala dhexgalay’taasi oo keentay inay weeraro iyo eedeymo Siyaasadeed oo kala duwan is weydaarsadaan una kala dheereeyaan xukuumadda dawladda dhexe ee Itoobiya iyo magaaladda Adisababa iyada oo dhinac kasta ka kale in uu ka taqaluso doonaayo.
Hadaba sida lagu sheegay Warbixin uu qorey wariye Ajaanib ah oo Mr Criss Brown lagu magacaabo kuna sugan deegaanka Harare ee dalka Itoobiya,waxa uu sheegay in labada xubnood ee ilaa hada ugu cadcad in midkood noqon doono Madaxweynaha bedeli doono ninka hada taladda haya ee Duufaanada Siyaasadeed ku kaceen ee Madaxweyne Cabdi Maxamed Cumar (Ina-Iley) ay labada xubnood kala yihiin Cabdilaahi Yuusuf Weerar (Cabdilaahi Itoobiya} oo ah Madaxweyne ku xigeenka Kililka shanaad isla markaana ah madaxa hay’adda Cadaaladda iyo Amniga ee maalulkaasi oo ka soo jeeda Qabiilka Abaskuul iyo Xubinta kale oo ah isna Cabdifataax ka mid ah madaxweyne ku xigeenadda isla markaana ah Wasiirka Caafimaadka ee Kililka Shanaad oo ka mid ah raga ay aadka isku hayaan Cabdi-Iley kana soo jeeda Qabiilka Ogaadeen,ayaa la sheegay inay labadaasi xubnood ugu cad cad yihiin una muuqda in mid kood noqon doono madaxweynaha bedeli doona hadii laga guuleysto Cabdi Iley.
Dhinaca kale Cabdilaahi Yuusuf Weerar (Cabdilaahi Itoobiya},ayaa la sheegay inay isaga carqabad ku tahay maadama oo ka soo jeedo beesha Abaskuul oo ah beel lagaga tiro badan yahay deegaanka Kililka Shanaad ee IsmaamulkaSomalida Itoobiyo,halka Cabdifataax Cabdilaahi oo ah Madaxweyne ku xigeenka ahna Wasiirka Caafimaadka ee Kililka Shanaad isagu uu ka soo jeedo Beesha ugu tirada badan deegaanka Ismaamulka Somalida Itoobiya ee Ogaadeen isla markaana uu taageero badan ka haysto sida la sheegay Xubnaha guddida fulinta oo 11 Xubnood ka kooban waxana la sheegayaa in inay labadan Xubnood ee Madaxweyne ku xigeenadda u ah Madaxweyne Cabdi Maxamed Cumar (Ina-Iley) ay hada ka mideysan yihiin inay ka takha lusaan isaga marka hore marka ka dibna ay ka fikiraan qofkii isaga bedeli lahaa.
Dhinaca kale Kulanka uu u tegay Madaxweynaha Kililka Shaand ee Ismaamulka Somalida Itoobiya Md Cabdi Maxamed Cumar (Ina-Iley) uu dhawaan ku tegay Adisababa ee Xukuumadda dhexe ee dawladda Federaalka Itoobiya ugu yeedhay,ayaa warbixintan lagu sheegay in uu garabka ka soo horjeeda ku xigeenadda maamulkiisa ee ay Siyaasadda isku hayaan in uu ku eedeeyey inay xidhiidh hoose la leeyihiin Jabhadda ONLF ee Kilalka Shanaad ee uu madaxweynaha ka yahay ka dagaalanta,waxaana uu sida warbixintan lagu sheegay uu si gaar ah ugu eedeeyey inay xidhiidh qarsoodi ah la leeyihiin nabadiidka maamulkiisa ka soo horjeeda ee ONLF dhamaan Xubnaha isaga ay Siyaasadda maamulka Kilalka ku hirdamayaan isaga oo sido kale ku tilmaamay in aanay suurto gal hayn in dawladda dhexe ee Federaalka Itoobiya ay xukunka isaga uga tuurto raga imika horkacaaya inay meesha isaga ka saaraan oo uu sheegay inay la shaqeeyaan wax uu ku tilmaamay nabadeedka horumarka Kilalka Shanaad ee Somalida Itoobiya.
Warbixintan uu qoray Wariye Ajaanib ah laguna magacaabo Mr Criss Brown oo deegaanka Harar ku nool hada,ayaa sido kale lagu sheegay in uu Madaxweyne Cabdi Iley uu sido kale Xukuumadda dhexe ee dawladda Federaalka Ethoipia Adisababa in ay bedelaad isaga ku sameyso Ciidanka Liyuu Boliska ee Kililka Shaand niyad jab weyn ku keeni doonto isla markana halis iyo inay Ciidankaasi laftoodu Jabhada nabadiid ah ee ONLF oo maamulkiisa Kililka Janaad dagaal kula jiraan inay ku biiraan sababi karto taasina cawaaqib xumo sababi karta isaga oo xusay in aanay cid kale oo isaaga aheyn kalsooni iyo aaminaad Ciidanka Liyuu Booliska Kililka ka qabin ee arimahaasina maskaxda dawladda dhexe ee Itoobiya ku hayso.
Sources by Wargeyska SAXANSAXO
Wariye Mr Hudle
Gobanimonews/Hargeysa /Somaliland