Pages

Sunday, September 7, 2014

Wasiirka Warfaafinta Iyo Guddida Arimaha Bulshadda Wakiiladda Oo Faahfaahinka Bixiyey Kulan Is Xog Wareysi Ah Oo Ay Yeesheen


 




Wasiirka Warfaafinta Iyo Guddida Arimaha Bulshadda Wakiiladda Oo Faahfaahinka Bixiyey Kulan Is Xog Wareysi Ah Oo Ay  Yeesheen




Wasiirka (Gobanimonews) 6-9-2014-Wasaaradda Warfaafinta,waciyi-gelinta iyo dhaqanka Somaliland,md Cabdilaahi Maxamed Daahir ( Cukuse ),ayaa guddida Arimaha Bulshadda ee  golaha Wakiiladda hortegey,waxaanay su’aalo ka weydiiyeen arimo la xidhiidha shaqadiisa Wasaaradda Warfaafinta,Wargeysyadda Xidhan iyo arimo kale oo shaqadiisa qusheeya .




md Cabdilaahi Maxamed Daahir ( Cukuse ), oo shalay isaga oo kulan warbaahintu debed joog markii hore ka aheyd la qaatay guudida arimaha bulshadda ee golaha wakiiladda markii uu kulankaasi dhamaaday ay wasiirka iyo guddoomiyaha guddidaasi Md Xasan Cawaale Caynaan ay ka warbixiyeen arimaha kulankaasi lagaga hadlay oo u badnaa dhegeysiga warbixinta wasaaradda iyo su’aalo guddidu ka weydiisay wasiir Cukuse hawlaha shaqo ee ay qabtaan halka ay marayaan iyo wixii u qabsoomay.




Wasiirka Wasaradda Warfaafinta,waciyi-gelinta iyo dhaqanka Somaliland,md Cabdilaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )  oo ugu horeyn faahfaahin ka bixiyey kulanka uu la qaatay guddida waxa uu yidhi “Waxa aan maanta (shalay) u nimid guddida arimaha guddaha Bulshadda ee golaha wakiiladdaSomaliland,guddida oo aad og tihiin in xidhiidh wada shaqeyneed ay ka dhexeeyaan iyaga iyo wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta ee Jamhuuriyadda Somaliland guddigu waxa ay naga dhegeysteen waxqabadkii Wasaaradda oo waxa ay na weydiiyeen su’aalo badan dhamaantoodn waanu uga jawaaabnay waxaana aanu ka wada hadalnay uun hawlaha wax qabadka wasaaradda iyo sidii ay xogogaal ugu noqon la haayeen iyo halka ay mareyso Wasaaraddu imika waanu noo dhamaaday barnaamij kaasi imika oo warbixintii oo qoraal ah warbixintii oo af ah iyo wixii su’aalo ahaa ee ay rabeen oo aanu uga jawaabnayba ayey aheyd arintu sidaas ayeyna noogu dhamaatay arintu”




Guddoomiyaha guddida Arimaha Bulshadda ee Golaha Wakiiladda Somaliland Md Xasan Cawaale Caynaan oo isna dhiniciisa faahfaahin ka bixiyey kulanka ay Wasiirka la yeesheen waxa uu yidhi “ Waxa kulanka aanu la yeelanay Wasiirka aanu kaga wada hadalnay arimo badan oo ay ka mid yihiin warbixintii wasaaraddiisa sida ay u shaqeeyaan halka ay mareyso iyo waxyaabo badan ayaanu ka wareysanay wasiirka iyo masuuliyiinta kale ee Wasaaradda warfaafinta Somaliland”




Wariye Cabdiwali Cali Ismaaciil




Abdiwali1991@gmail.com




Gobanimonews/Hargeysa Office /Somaliland