Hargeysa(GNA)-Wuxuu waajahayaa mar kasta ciqaab adag oo aan aar-goosi siyaasaddeed ka madhnayn, sababtoo ay tahay wuxuu duhur cad kashifay arrimo aad u xaasaasi ah oo aanay xataa Bulshada qaarkeed jeclaysan inay ka mid noqdaan hadalada ay siyaasiyiinta loolamaysaa warbaahinta isku mariyaan, iyadoo uu qayb ka ahaa dhinacyadii khilaafku ka dhex curtay ee Xisbiga talada haya ee Kulmiye.Cabdilaahi Abokor Cismaan ayaa Bishii May ka dhawaajiyay in Golaha Wasiirada ee xukuumadda talada haysa ay ku jiraan ashkaas xidhiidh la leh Urur-diimeedyo uu ka mid yahay kooxda xagjirka loo aqoonsanyahay ee Alshabaab, isagoo xubnaha uu eeddaas u xambaariyay ku tilmaamay cida maamulaysa shirqoolka xisbiga lagu bur-burinayo ee dabada dheeraaday.
Waxaanay sheegista eeddaas ku noqotay cirka dab kaa raac ama fari togdheerbay kula xushaa, iyadoo Maalmo kooban kaddib xabsiga loo taxaabay isaga iyo afar ka mida qoyskiisa oo guriga laga soo qabtay ku sugnaa, kuwaasoo isku dayay inay ciidanka gaarka u tababar ee RRU-da ka difaacaan, balse gacanta lagu dhigay.
Masuulkan hore Xukuumadda Siilaanyo uga tirsanaa ee xabsiga ku jiray dhowrkii u dambeeyay ayaa maanta markii labaad la horkeenay maxkamadda gobolka Maroodi-jeex,halkaasoo ay si rasmiya uga bilaabantay maanta dhegeysiga Kiiska lagu oogayaa.
Waxa siday markii Maxkamadda la keenay saddex gaadhi oo midkood nooca Maxaabiista lagu qaado ee qulan oo Dhayne ah uu yahay iyo labada kalena waxay ahaayeen Xaajiyadaha dheereeya ee RRU-da oo siday kolanyo ciidan ah oo aad u foogin.
Dad kooban ayaa loo ogolaaday inay dhegeystayaal ka noqdaan dacwada oo furantay Maanta markii ugu horaysay, kaddib markii todobaadkii hore fadhigeedii u horeeyay baaqday.
Siyaasiga Axmed Xasan Cali (Like) oo ka mid ahaa dadkii ka qayb-galay dhegeysiga Kiiskan ayaa ka waramay sidii ay dacwadu ku bilaabantay, waxaanu sheegay in la dhegeystay Markhaatiyeyaal lid ku ah oo ay saraakiil ciidan ku jiraan“walaalo maanta waxay ahayd maantii labaad oo waatii maalintii hore baaqatay markaa waxay maxkamadu ahayd meel ciidan oo meeshaba waxa haystay askar milatari ah oo maalintii hore qudheeda waxa la keenay oo yimi saraakiil iyo janaraalo sita darajadoodi oo ka markhaati furay maxkamadda” ayuu sheegay Axmed-like.
Siyaasigan oo sharaxaad dheeraad ah ka sii bixiyay siday dacwadu ku soo gabagabowday iyo rejada laga sugi karo, waxaanu hoosta ka xariiqay in dacwadaas laga maamulayo aqalka madaxtooyada, go’aan kasta oo lagu soo gabagabeeyana uu noqon doono mid laga soo jaangooyay xafiiska qaranka laga maamulo.
“Askar uu sarkaalkoodu leeyahay sidaa iyo sdaa dheh oo taliyayashoodi ku xeeranyihiin hasa ahaatee waxa maxkamdda fadhiyey oo hogaaminaayey nin xaakin ah oo runtii ah qof aad u wanaagsan Looyar fiicannah waanu haysanay oo daacad ah,laakiinse meeshu waa maxkamad ciidan oo kolay Amarkeeda,qorshaheeda iyo balaynkeedu iska diyaar sanyahay waana wax iska cad oo loogu tala galay in la yeedhiyo uun markaa wax rajo ahi kama muuqdo,sababtoo ah waxa laga xukumayaa oo laga maamulayaa waa meesha dalka laga xukumo markaa waanu iskaga quusanaynaa oo meeshaanu tag tagaynaa” ayuu u sheegay Mr. Like Dhaymoolenews.
Cabdilaahi Abokor Cismaan ayaa laga doonayaa inuu Maxkamadda ka caddeeyo eeddeymaha qarada wayn ee uu xukuumadda siilaanyo u jeediyay, siiba waxa cadddeyntooda laga doonayaa wasiirrada uu farta ku goday ee argagixisada ka tirsan, taasoo ah arrin ay aad u culustahay caddeynteeda iyo aqbalaada kuwa lagu caddeeyaaba.
Waxa la xidhan oo eed ahaan dambiga loo haysto ay ku kala duwanyihiin shan nin oo ay ehelo yihiin, kuwaasoo uu ku jiro Walaalkii oo ay dhawaan Ciidanka bilaysku qabteen iyagoo hubaysan, sida Gobanimonews warka ku heshay.
Gobanimonews
Hargeya Office
Email: editor@gobanimonews.com