Xaasaasiyad laga muujinayo siyaasiyiinta Jariimada ka galay dalka ee Xukuumaddu soo dhaweynayso...
Hargeysa (GNA)- Waxa magaaladda Hargeysa ku sugan muddo bil iyo dheeraad ah Wasiir Ku xigeenkii Beeraha ee Dawladii Sheekh Shariif ee wadanka Soomaaliya Maxamed Cali Bilaal (Ayax) isla markaana ahaa Xildhibaan Baarlamaan, iyadoo aanay jirin cafis uu soo weydiistay dawladda Somaliland.
Somaliland iyo Soomaaliya ayaa wajiyadii u dambeeyay ee wadahadalada waxa ay ku heshiiyeen in isusocodka bulshooyinka labada gobol ay noqdaan kuwo furan oo ay si caadiya isugu talaabayaan, taasoo la odhan karo waa tan u saamaxday inay rag badan oo siyaasada soomaaliya ku jiray Hargeysa yimaadaan bilihii dambeeyay.
Waxaase muuqata inay dadka reer hargeysa xaasaasiyad ka qaadeen Wasiir Ku xigeenkii Beeraha ee xukuumaddii hore ee Soomaaliya Maxamed Cali Bilaal (Ayax) oo ka soo jeeda beesha barriga Burco, kuna sugan magaaladda Hargeysa, iyadoo dad ka ag-dhowina ay sheegeen inuu naawilayo in mansab looga magacaabo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.
“Lama Garanayo sababta ninkan jariimadda ka galay dalkiisa hooyo tallaabo sharci ah looga qaadi waayay Dunuubta uu ka galay wadankiisa ee uu xil siyaasiya ka qabtay dawladda Soomaaliya waxa ka sii daran inaanu illaa imika oo uu Hargeysa joogo wax cafis ah weydiisan xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland.”sidaasi waxa baahinaya warbaahinta maxaliga ah qaarkeed.
Waxaan la leeyahay Taasi waxay muujinaysaa inay ciidammadda ammaanku ay ku fashilmeen inay gacanta ku dhigaan ninkaas khaani’nul wadanka loo arko.
Si kastaba ha ahaatee arrintan ayaa muujinaysa heerka la qabsi ee Bulshada Somaliland ay arrimaha soomaaliya iskaga xakamaynayaan, iyagoo ku dhaliilaya is-dhex galka noocan ah ee siyaasiyiintu inuu xagal daacinayo qadiyada dalka ee madaxbanaanida.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com