[caption id="attachment_92181" align="alignleft" width="300"]
Askarta Alsabaab oo hubaysan[/caption]War kooban oo ka soo baxay Alshabab ayaa lagu sheegay in Amiirka cusub ee xarakadaas loo doortay, Sheekh Axmed Cumar oo kooxda dhexdeeda looga yaqaanno Abu Cubayda.
Warkan ayaa lagu baahiyay baraha Inernet-ka, iyadoo lagu dhawaaqay inuu bedeli doono Axmed Godane oo Isniintii Weerar lagu dilay.
Ninkan ayaan ka mid ahayn hogaamiyeyaasha ugu cad caddaa Kooxda Alshabaab, ahna nin magaciisu ku cusubyahay dadka soomaalida ah badankooda.
Bayaanka lagu magacaabay ayaa ku qornaa Luuqada Carabiga, waxaana lagu baahiyay shebekadaha kooxda mid ka mid ah.
Hogaamiyaha cusub ayaa waajahaya caqabado badan iyo awood darada milateri ee Ururka, waxaanu khatar ugu jiraa cadowga Kooxda oo guushii ugu weyneyd ka gaadhay todobaad gudihii alshabaab.
Dhinaca kale, afhayeenkii alshabaab Sh. Cali Dheere, ayaa ka hadlay dilka Axmed Godane, taasoo uu xaqiijiyay, kuna tilmaamay mid sii dar dar gelinaysa jihaadka kooxda.
Filasho wacan Taariikh nololeedka hogaamiyaha cusub:
Fadlan hadaad wax macluumaad ah ka hayso noo soo gudbi.