Wednesday, September 3, 2014

Tansania oo ka faa’iday Amni xumada Kenya iyo Dalxiiseyaasha oo laba jibaarmaya 2017


safari_africa-Tanzania-kenya (1)Arusha(GNA)-Tirada dalxiisayaasha soo booqaneysa dalka tanzania ayaa lagu wada inay labo jibaaranto sadexda sano ee soo socda iyado lafilayo inay gaarto 2 milyan oo ruux sanadka 2017-ka.




 Devota Mdochi oo ah gudoomiyaha waaxda dalxiiska dalka tanzania ayaa sheegtay in dowladu rajaynayso in dalka yimaadan dalxiisayaal badan .




Tirada dalxiisayaasha Ajanabiga ah ayaa 30% korortay sanadkii 2012 kii iyadoo sanadihii lasoo dhaafey dowladu faa'iiday lacag dhan 1 million oo dollar.




Dalxiisayaasha ayaa badankooda ka yimaada dalalka kala ah jarmaalka, maraykanka iyo ingiriska.




Hadaba inkasta oo korodhka dalxiiseyaashu yihdidiilada dhaqaalaha dalka sii xoojinayaan, waxa cabsidu kaliya ee hada jirta tahay cudurka ebola oo ka dilaacey wadamada galbeedka Africa.




 waxaana sii kordhaya digniinta loo jeedinayo dadka dalxiisayasha ah ee ku aadan cudurka ebola, kuwaasoo looga digayo inay xanuunkan kala kulmaan qaarada Afrika.




Dalka Tansania oo xuduud la wadaaga Kenya, ayaa waxa la aaminsanyahay inuu fursad ka helay qul-qulatooyinka ka socda Kenya ee ammaanka dalka saameeyey.




Boqolaal ganacsato soomaali ah ayaa sanadkan hantidoodii ula guuray Tansania, kaddib markii waxyeelo nafeed iyo mid dhaqaale loogu geystay goobihii ay ka degenaayeen Kenya, gaar ahaan magaalada Nairobi oo uu ku yaallay suuqa ugu muhiimsan ee Ganacsiga Soomaalida ISLII.




Sidoo kale weerraro  argagixiso oo bilihii la soo dhaafay dalkan ka dhacay, siiba gobolka dalxiiska ku wanaagsan ee xeebta Lamu, ayaa sababay inay kumanaan dalxiise oo reer galbeed iyo Asian isugu jiraa ka cararaan dalka, si aanay u bartilmaameedsan kooxaha wax weeraraa.




Cabdiraxmaan Buurdhaab




Gobanimonews




Nairobi Office




Email: buurdhaab4@gmail.com