Wednesday, September 3, 2014

Sucuudiga oo xidhay 88 Nin argagixiso ah


[caption id="attachment_94417" align="alignleft" width="300"]bilayska sucuudiga bilayska sucuudiga<br data-cke-caption=' id="attachment_94417" align="alignleft" width="300"' data-cke-caption-text='' />[/caption]Sucuudi Carabiya ayaa xirtay siddeetan qof dad ka badan oo lagu eedeeyey in ay maleegayeen qaraxyo ka dhaca gudaha iyo bannaanka dalkaasi sida ay sheegayaan saraakiisha bilaysku.




Wasiirka arrimaha gudaha, ayaa sheegay in raggan la daba socday mudo dhowr bilooda, ka hor intaan la xirin oo ay qarka u saarnaayeen in ay fuliyaan hawlgallo.




Booliska, ayaa sheegay in saddex ka tirsan raggaasi ay ka soo jeedaan dalka Yemen, midna aannan weli la garaneyn halka uu ka soo jeedo inta kalana ay u dhasheen Sacuudiga.




Weriyayaasha, ayaa sheegaya in Sacuudi Carabiya ay adkeysay ammaankeeda, iyadoo kooxda dowladda Islaamiga ay weeraro ka geysanayaan dalalka Ciraaq iyo Suuriya.




Afhayeenka wasiirka arrimaha gudaha Mansour al-Turki, ayaanan faahafaahin ka bixin qorshaha raggaas ay damacsanaayeen, laakiin waxa uu sheegay in ay jiraan 59 qof oo horay xabsi daa'in ay ugu xukumeen kuwaas oo sameyn rabay falal argagixiso.




Horaantii sanadkan, ayaa dalka Sacuudiga waxa uu sharci darro ka dhigay in muwaadiniintooda ay ku biiraan kooxaha ka dagaalama dalalka kale islamka, iyadoo ay isa soo tareyso walaaca laga qabo dadka ku biiraya kooxaha jihaad-doonka ah ee ay ISIS hada ugu awooda badantahay.




Wakaaladaha