Waxa muuqata in Dagaalkii sokeeye ee Qoriga loo adeegsan jiray loo bedelay Xisbiyo siyaasaddeed, maamulo iyo Ururro abaabulan oo xukun doon ah..Warbixin GNA
[caption id="attachment_94436" align="alignleft" width="300"] WADANI, UCID IYO MADASHA[/caption]Hargeysa(GNA)-Tan iyo markii laga soo doogay dagaaladii sokeeye ee bedelay colaada weyneyd ee dalka lagu xoreeyay, sanadkii 1991-kii, waxa ay si tartiib tartiib ah bulshada reer Somaliland uga soo gudbayeen natiijadii xumayd ee laga dhaxlay colaadii dhex martay beelaha Dalka wada dega oo sida la wada xasuusto qabiil-qabiil isu dilay, sanaddo yar kaddib markii gooni-isutaaga lagu dhawaaqay.
Sababaha dagaalkaasi hadii aynu dib ugu yar noqono, waxa loo aanayaa dhinacyo badan inay ku yimaadeen, waxaase ugu weynaa sababahaas, loolankii siyaasaddeed ee xiligaas taagnaa oo ay fursad u heleen dadkii hogaaminayay inay dawlad la’aan iyo shacbi hubaysan oo ay danahoodaku dhacsadaan isla helaan.
Ku dhawaad 20 sano ayaa laga jooga, maalmo Magaalada Hargeysa ay xabaddu ka qiiqeysay 24 saacadood oo xidhiidh ahaa, taasoo ay isku ridayeen maleeshiyo beeleedyo maamulkii markaas jiraynaa uu dhinac taageerayay ama uu la socday.
Wacyigaasi waxa looga soo gudbay sanado yar kaddib, marxalad ka duwan oo ilbaxnimo iyo aragti debecsan oo si fudud loogu waajahayo waxyaabaha bulshada ka dhexeeya loogu loolamayo, sida madaxtinimada.
Halkii qorigu ka talinayay waxa lagu bedelay inau qalinka iyo aqoontu ka taliyaan, siyaasiyiintuna dadkii ay qoryaha u dhiiban jireen, waxay waydiistaan Kalsooni iyo cod, si ay rabitaankooda ugu noqdaan hogaamiyeyaal.
Balse sidaasoo ay tahay, wali waxa muuqata in ku doonista qabyaalada ee hogaamiyeyaashu, ay tahay arrin mar walba ku lamaan dhaqanka iyo dhaqdhaqaaqa siyaasiga ah ee dalka ka jira ilaa hada, taasoo u dhaxaysa qabaa’ilka oo ay adeegsanayaan siyaasiyiinta Kursi doonka ah.
Wali waxa aan meesha ka bixin isbahaysiga beelaha ku dhisan iyo dagaalkii habar-habarta loo yaqaanay, kaasoo haatan isu bedelay mid qabow oo siyaasada la fal-gashan, isla markaana asxaabta siyaasadu si ka duwan sidii hogaamiyeyaashii casri jaahiliga ah ee dhawaa u isticmaalayaan.
Dhawaan waxa gobollada dhexe ee dalka lagaga dhawaaqay Isbahaysiyo beelaysan oo xidhiidh la leh aragtiyo siyaasaddeed oo dalka ka jira,waxaana ka mida isbahaysiga siyaasaddeed ee Beelaha Magaado oo aan hore u lahayn marjac ama madal siyaasaddeed oo kulmisa.
Dhaqdhaqaaqyadaas waxa ugu hadal hayn badan Ururka Dhalinyarada ee Jiidali iyo shir-weynaha Magaado oo bilihii la soo dhaafay si weyn bulshada uga dhex guuxayay, isla markaana xukuumaddu dareen xaasaasi ah ka muujisay.
“Isbahaysiga Magaado”
Marka ay Isbahaysigaas ka dhex muuqdaan garabayshan ka dhexeeya afar ka mid ah Beelaha laysku yidhaahdo ISAAQ, waxa khasab noqonaysa inay samaysmaan kuwo kale oo ujeedo ahaan la barbaraynaya kuwaaso si ay isaga caabiyaan cadaadiska ku ,lidiga ah.
waxaana ka mida, Beelaha Xabuusho laysku odhan jiray oo dalad ahaan saddex ka mida iskaashi qabiil ka dhexeeyey abidan, kuna midoobeen magaca (habar-jeclo), halka Beesha kale ee Tol-jecle oo aan markii hore daladaas si cad uga soo dhex muuqan ay hada ku khasbantahay inay go’aan gaadho.
Isbahaysiyada beelahan u dhexeeyaa waa dagaal siyaasaddeed oo qabow, kaasoo laysu kaashanayo sidii loo kala cudud weynaan lahaa, waxna loo kala riixan lahaa.
Sidoo kale waxa jira Qabaa’ilo kale oo si dadban isu taageera, kuwaasoo ay ka mid yihiin Beelaha darafyada Somaliland,(Warsan-geli, Dhulbahante iyo Samaroon),waxaana muuqata in iyaga laftoodu ay dib u cusboonaysiinayaan gaboodkii Siyaasaddeed ee wakhti hore ka dhexeeyay.
Inta badan xarakaadka siyaasaddeed ee dalka socda oo ay ka mid yihiin tartanka Xisbiyada iyo aragtiyaha bulsho ee bariga iyo Galbeedka, gaar ahaan, waxa loogu yeedho maamulada Khaatumo iyo Awdal State, ayaa dhamaantood waxay salka ku hayaan qabaa’il gaar ah oo mid walba awooda ugu badan ay leeyihiin reero khaasa.
Waxaana qaabka ay wax u doonayaan casriyeynaysaa rabitaankii hore ee laga soo gudbay oo Shaadh casriya loo geli.
Waxaan mugdi ku jirin in isbedelkii siyaasaddeed ee Somaliland ka dhacay afar sanno ka hor uu ku yimi dagaal beeleed oo qabow (Tribal Cold War), kaasoo ay beesha dhexe ku ruxday xukuumaddii uu madaxda ka ahaa Daahir Rayaale oo ahaa hogaamiye reer Awdal ah , aakhirkiina kursiga kula wareegtay.
Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee hada talada haysana waxa ruxaya oo ku leh “waa markayagii”, homiyayaal huwan ama taageero ka helaya bulshooyinka dega Gabiley ilaaSanaag ama hadii aynu sida af-suuqdiga ah ku sheegno laysku yidhaahdo (Habar-magaado), taasoo kor ugu dhawaaqisteeda, maqalkeeda iyo siyaasad ku lamaanaaynteeduba ugub ku yihiin loolanka casriga.
Mase cadda inuu sii socon doono is-fahamka aan cagaha adag ku taagnayn ee qaabkan u dhisan, kuna guulaysan doonaan dadka hindisay yoolka ay ka leeyihiin.
Saleban Cabdi Cali (Kalshaale)
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: curad986@hotmail.com