Madaxweyne Siilaanyo oo furay Bixinta Baasboorka cusub ee Epasport
Hargeysa(GNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta xadhiga ka jaray Qaadashada ama Bixinta Baasaaboor Cusub oo dalku yeelan doono, kaasoo ah mid casriya oo Electronic ah ( E-Passport).
Munaasibada furitaanka baasboorka cusub ayaa lagu qabtay xarunta laanta socdaalka dawladda ee Magaalada Hargeysa.
Xafladan waxa ka qayb galay Madaxweynaha, Wasiiro iyo Marti sharaf kale oo ka kala socday laamaha dawlada iyo Bulshada Rayidka ah.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Waran-cade iyo Taliyaha laanta Socdaallka Maxamed Cambaro ayaa faahfaahin ka bixiyay nooca uu yahay Baasboorkan cusub iyo waxa uu kaga duwanyahay kii hore ee ay dawladdu soo samaysay, waxaanay tilmaameen inuu amaan ahaan iyo tayo ahaanba ka wanaagsanyahay Pasport-kii hore.
Wasiirka Maaliyadda iyo xubno kale oo ka socda laamaha dawladda ayaa halkaa ka hadlay, kuwaasoo soo dhaweeyay sameynta Sharcigan cusub .
Madaxweyne Axmed Siilaanyo Aakhirkii halkaa ka hadlay ayaa isna dhankiisa soo dhaweeyay sharciga dal ku galka ah ee cusub, waxaanu sheegay inuu qayb ka yahay horumarka dhanka adeegyada ee Dawladdu qabatay.
:
Baasboorkan cusub ee xukuumaddu samaysay oo bedeli doona kii hore ee ay dawladdii rayaale keentay, ayaan la ogayn waxa uu kaga duwanaan doono kan hore, iyo sida ay u ixtiraami doonaan dalalkii hore looga aqoonsanaa Baasboorkii hore.
Waxaase iska cad inaanay wali aqbalin ama aqoonsanayn dawladda Sucuudiga oo ay bilaha soo socda boqolaal u dhashay Somaliland ku soo xajiyayaan Xaramka, taasoo tan iyo markii la madnuucay Baasboorkii hore soomaalida ka dhexeeyay ee cagaarnaa tegitaankeeda culays badani ka haystay dadka reer Somaliland.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com
Pages
▼