BY: YOOL
Xiingalool(GNA)-Shirweynihii Beelaha Wargsangeli uga socday Magaalada Xiingalool bariga Gobolka Sanaag ee Somaliland oo sidii qorshuhu ahaa Sabtida toddobaadka dambe soo gunnaanadmi doona, ayaa waxa hadheeyey Xiisado Siyaasadeed oo Shirka ka leexiyey Majarihiisii.Inkastoo markii hore ajendaha Shirka lagu fasiray inuu yahay mid Beesha Wargsangeli kaga arrinsanayso danaheeda gaar ahaaneed oo ka caagan qorshe kooxeed Siyaasadeed, hadana bilowgiiba waxa laga dareemayey inay jiraan shakhsiyaad si gaar ah tallo maroorsi ugu hagaya maamulka iyo maareynta hawlaha Shirka. Hase-ahaatee labadii maalmood ee u dambeeyey ayey si cad u kala baxeen humaagyadii dahsoona iyo Darruurihii Siyaasadeed ee ku shaqlanaa bar-kulankii Caro-sanka ahaa ee loo balaysimay tallo-wadareedkan, kadib markii xullafo is xulatay Shirkii aayo-ka-tashiga ahaa ka marin-habaabiyeen majarihiisii.
Kooxdan oo arrinkoodu u muuqday kuwo ku socona ajende hore degsanaa, ayaa markiiba gacanta ku dhigay ama ka mid noqday Shir-gudoonkii Shirka iyo guud ahaan hab-socodkii, taasoo sababtay inay ka biyo diidaan hal-door badan oo ka mid ahaa ergooyinkii Shirka lagu marti qaaday, isla markaana madasha ka abuurtay is is-faham darro iyo murug laxaad leh.
Hase-ahaatee, kooxda Shirka majarihiisa ka leexisay oo ay hormood ka ahaayeen Siyaasiyiin ka tirsan Maamul Goboleedka Puntland, Siyaasiyiin madax-bannaan, Madax-dhaqameed, ka sokow Shir-gudoonkii Shirka waxaynu ka xusi karnaa Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland Xildhibaan Axmed Cali Xaashi, Xildhibaan Cabdixakiin Dhoobadareed, Suldaan Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo isagu ah Suldaanka Guud ee Beelaha Warsangeli, balse ahaa awooda dahsoon kooxdan xullafada la ahaa, Xubno qurbo-joog ah Iwm. Wallow ay jireen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo tilmaamaya jiritaanka Siyaasiyiin daaha debadiisa ka hagaya ajendaha iyo qorshaha shirkaasi, kuwaasoo lagu xidhiidhiyey Madaxda Maamul Goboleeedka Puntland hadana waxa jiray xubno kale oo sida warka lagu sheegay Mukhalisiin ka ah Shirkado ajaanib ah oo iyagu leh damacyo ku aadan Khayraadka Debiiciga ah ee Deegaanka Sanaag. Sidaa awgeed, kooxdani waa xullafo isku xidhan oo aan ogolayn Shirka lagaga hadlo aragti tooda ka duwan, waxay ereyo Deel-qaaf ah kula kaceen Boqor Ibraahin Maxamed Xasan oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Beelaha Warsangeli, kaasoo ay ku xidhiidhiyeen Xukuumada Somaliland.
Inkastoo Deegaanka Shirka lagu qabtay ee Xiingalool uu Juquraafi ahaan ku yaallo Bariga Magaalada Ceerigaabo, hadana Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ayaan haba-yaraatee si dad-ban iyo toos ah toona ku lahayn tallaabooyinka uu Maamulka Puntland farogeliyey Deegaanka Bariga Sanaag iyo Siyaasadaha guracan ee uu halkaasi ka wado.
Arrinta kale ee xusida mudan tahay in Siyaasiyiin ka tirsan Xukuumada Somaliland la iska hor-taagay ka qeyb-galka Shirka, kuwaasoo uu ka mid yahay Gudoomiye-ku-xigeenka Hay'adda Waddooyinka Somaliland Maxamed Daahir Jaamac oo isagu Gaadhigiisii ka furay Taarikadii Dawlada Somaliland, isagoo bilaa Number ahna ku jooga Xiingalool.
Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Md. Axmed X. Cali Cadami, oo Waqtigan ku Magaalada Ceerigaabo, ayaa isaguna ka mid ah Siyaasiyiinta dhalasho ahaan kasoo jeeda Bariga Sanaag ee ku hungoobay ka qeyb-galkaa, mar ay Saxaafadu wax weydii arrinkaasna, waxa ereyadiisii ka mid ahaa; "Marka uu Shirku dhamaado ayaan Ducada tegayaa Xiingaloo, markaa waxaan filayaa in aan markaa la ii diidayn oo la ii ogolaan doono..."