[caption id="attachment_94426" align="alignleft" width="215"] Iid Jiciir waxa uu ka mid ahaa Ururkii Xaqsoor[/caption]Hargaysa (GNA)- Mujaahid Iid Jiciir Aw Axmed oo ka mida siyaasiyiinta ku bahoobay madasha iyo wada tashiga iyo toosinta Somaliland ayaa maalintii labaad ku xidhan xabsiga dhexe ee magaalda hargaysa .
Siyaasigan oo shalay subaxii lagu xidhay saldhiga dhexe ee hargaysa ayaa ilaa hadda aanay cadayn sababta uu u xidhanyahay iyadoo ay xukuumadduna afka ka xidhatay . Waxaana dhacday in ehelka siyaasigan iyo dadka kale ee soo booqanayay laga hor istaagay in ay saldhiga ku booqdaan.
Sida ay sheegeen ehelada Siyaasigan iyo asxaabtiisu looma ogola in lagu booqdo goobta uu ku xidhanyahay, walina ma cada kiiska lagu haystaa.
“Waxaa xusid mudan in uu muwaadinku xaq u leeyahay in muddo 24 saacadood ah lagu geeyo maxkamad balse taasi may dhicin oo maalintii labaad ayuu ku xidhanyahay xabsiga, iyadoo aan wax maxkamad ah la geynin” .ayaa lagu sheegay warka siyaasigan.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dalada uu ka tirsanyahay ee Madasha wada-tashiga iyo toosinta iyo asxaabta siyaasada oo lagu dhaleecaynayo Xadhiga Ninkan, waxaase la filayaa inay maalmaha soo socda ka dareen celiyaan falkan hadii la sii dayn waayo.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com