Dhamaantiin salaan qaaliyaintiinii dheehatay qaytii 1-aad ee qisadan lana socotay imika waa Qaybtii 2aad Ee Qisadii "Jacaylku sidan miyuu u xanuun badanyahay..? Sidan miyaa la isugu khiyaamaa..?" Qisadani ayaa ku dhacday saynab oo ahayd gabadh aad u da'yar misana jacaylka aamintay hadana lagu khiyaamay isla jacaylkii ay aamintay..Dhamaantiin Akhris wanaagsan
Saynab: Walaal Si aan kuugu jawaabo magaran karo Dhibaatada inta leeg ee iga tan badisayna si aan kugu sheego magaran karo waayo qofkii iigu dhawaa een kaligii dunida ka eeganayay qalbigana aan ugu deeqay ayaa sidan ii galay isaga dartii ayaan halkan u imiday…Ax Ax Ax Mustafe Wax aan sameeyo magaranayo oon ka ahayn inaan ifka iska qariyo
QAYBTII 2AAD:-
Hadalkaasi markuu kasoo yeedhay saynab waxa maankayga kusoo dhacay wal-wal aan ka walwalayay gabadhan dhibaataysan ee saynab si hoose ayaan iskula hadlay waxanan go’aansaday inaan saynab ka leexiyo fikirka khaldan ee maankeeda sida kadiska ah ugu soo dhacay kaasi oo ahaa inay aduunyada iska qarinayso waxanan si degan uga dhahay
“Maya Saynab Haku dhawaaqin mar 2aad Hadalkaas Waayo ifka waxa iska qariya shakhsiyaadka iimaanku qalbigooda ka faaruqay faa’ido ku lamaan inaad dunida ka tagto oo gacantaada sabab ka dhigato ma jirto aakhiro markaad tagtid dhibaatadu waa mid adiga ku haysata cadaabka aad mari doontid hadii aad gacantaada isku dishid waa mid aad gacmahaaga ku keensatay markaa xaalka daji saynab samirkana saaxiib la noqo dunida ayaa sidan iska ah dhibaatana kama dhamaato insha allah culayska hada dushaada hadheeyay waxa soo daba mari doona fudayd aad ku qanacdo”
Saynab:Wllo Mustafe Waayahay waad mahadsantahay wll waxad iga leexisay dareeqii khaldanaa iyo fikirkaygii khaldanaaba
Intaasi ka dib waxan sii anba qaaday waraysigii saynab aan la yeeshay si aan u ogaado sababta rasmiga ah ee ay u timiday magaaladan iyadoonan cid ka garanayn misana aanan garanayn meel ay u jihaysato oo ay ku hoyato
Aniga: Saynab waxkastaa way hagaagayaan insha allah laakin wll adigoo raaliya ilaa hada kama warhayo sababta rasmiga iyo cida aad u timiday magaaladan adigoonan aqoon u lahayn markaa saynab ayaad u timiday..?maxayse ahayd sababta ka danbaysay inaad timaado Borama..?
Anigoo ka dhur sugaya jawaabta ay i siin doonto saynab ayaa waxa mar kaliya indhaha saynab kasoo daatay lilmo aad u badan taasi oo aad u malaynaysay inay tahay baabad biyo ah oo jabtay,Haa dabcan akhriste adiguba waad garan kartaa siduu dareenkaagu noqonayo hadii ay gabadh dhibaataysan hortaada ugu ooydo si saa’id ah lilmadeeduna qoyso dharkii ay xidhnayd sidaa darteed anigana mar kaliya ayuu isbadalay dareenkaygu garaaca wadnahayguna kor ayuu u sii kacay waxanan xamili kari waayay oohinta iyo lilmada kasoo burqanaya indhaha saynab waxan si deg-deg ah u qaatay go’aan anigoonan wali ogaan cida ay u timiday magaalada iyo sababta keentay go’aankayga ayaa ahaa mid ku wajahan inaan saynab u helo meel ay ku hoyato iyo cunto ay cunto waxan la tashaday maankayga waxanan raadshay goobta iigu dhaw ee gabadhan dhibaataysan ku haboon waxanan go’aansaday inaan saynab u kireeyo hotel si ay ugu hoyato ka dibna aan u baadi goobo cunto ay quudato waxan u dhaqaaqaynay aniga saynab hotel markaa ka agdhawaa goobta aan ku sugnayn waxoogaa socod yar ka dib waxan cagta saarnay kaabadii 1aad ee hotel-ka aan isleeyahay saynab caawa ha u hoyato waxanan uga sii gudubnay kaabadihii kala duwanaa iyo salaankii loo fuulayay hotel-ka ugu danbayn waxan gaadhany qaybta soo dhawaynta ee hotel-ka ama Reception-ka si degan ayaan ugu baaqay wiilka fadhiya kursiga si uu u soo dhaweeyo cidkasta oo hotel-ka ku hoyanaysa isla markaana uu u qanciyo waxanan su’aalay inuu jiro qol banaan si ay u degto gabadhan saynab baadhitaan u sameeyay ka dib wuxu ii sheegay inuu banaanyahay 1 qol waxanan ka dhahay gabadhan kaxee oo gee qolkaasi siduu ayuu sameeyay wuuna geeyay saynab qolkeeda kadibna dhankaygii ayuu usoo laabtay waxanan is waydaarsanay hadal ah qimaha lagu seexdo wuuna ii sheegay waxanan bixiyay lacagtii intaasi ka dib waxan u dhaqaaqay dhankaa iyo qolkii ay saynab ka deganayd hotel-ka albaabka qolka ayaan si degan u garaacay waxana iga furtay saynab horay usoo dhaaf ayay iga dhahday waanan ka cudur daartay inaan gudaha u gudbo waxana u sheegay inaan u doonayo wax ay u cunto iyo wax ay cabto wayna iga ogalaatay waxan u soo jihaystay dhankaa iyo suuqa magaalada si aan u baadi goobo meel aan ka heli karo casho maadaama ay tahay wakhti danbe inta badana goobaha ama maqaaxiyaha iibiya cuntooyinka ay xidhanyihiin nasiib wanaag anigoo ku guda jira baadi goobkaygii cunto ayaan helay maqaaxi ama hotel furan oo shaqaynaya si deg-deg ah ayaan gudaha u galay shaqaalihii hotel-ka ayaan waydiiyay inay taalo casho anigoo wakhtigaasi naawilay jawaab ah “Haa Waytaala” ayaa waxa ii baaqay mid ka mid ah shaqaalihii wuxuuna iga dhahay way taala ee maxaad doonaysaa waxan isa su’aalay “cunto nuuceeya ayaad u gaysaa..? Mase laga yaaba inay qancin doonto saynab cuntada aad u qaadid..? Hadana su’aalahaas aan isla anigu iswaydiiyay wax jawaab ah uma helin maadaama hadii aan waci lahaa saynabna ka haynin wax Telephone number ah si aan u waydiiyo cuntada aan u keeno nooca ay tahay ka dib waxan u qaaday casho duqad ah talaabada ayaanan u qaaday dhankaa iyo goobtii hotel-ka socod deg-deg ah ka dib waxaan gaadhay xagii hotel-ka waxanan uga sii gudbay qolkii ay saynab deganayd garaac albaabeed ka dib saynab way iga furtay albaabka isla goobtii anigoonan dhaafin ayaan gacanta ka saaray cashadii iyo cabitaan aan usoo iibiyay waxanan ka dhahay.
LASOCO QAYBTA 3AAD
Qalinkii Qoraa Mustafe Caraale