Guddida qaban-qaabada Shirweynaha Solja oo maanta Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa ku dhawaaqay wakhtiga la qabanayo Shirweynaha 5-aad ee Ururkaas.
20 iyo 21 Bishan September ayaa loo muddeeyay Shirka, waxaana sidaasi ku dhawaaqay Guddida qaban-qabada Shirweynaha.
Guddida qabanqaabada Shirweynaha 5-aad ee Ururka ayaa shaaciyay inay dhamaystireen guud ahaan howlihii farsamo ee Shirweynaha, isla markaana diyaariyeen wixii inkaaniyaad ahaa ee loo baahnaa.
Xubnaha Guddida ayaa sheegay inay shirka ka qayb-gelayaan 79 Ergay oo laga soo xulay bahda Saxaafada iyo 21 xubnood oo goob-joogeyaal ah.
“annagoo ah Guddida qabanqaabada Shirweynaha Shanaad ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, waxaannu u sheegaynaa dhamaan qaybaha kala duwan ee uu khuseeyo inuu Shirweynihii ururku qabsoomay 20 iyo 21 ee todobaadka dambe” sidaas waxa yidhi Xoghayaha Guddida Yaxye Sheikh Ismaaciil.
Dhinaca kale Maxamed Ilkacase oo ah Guddoomiyaha Guddida ayaa ku war-geliyay dhamaan Ergada Shirka ka soo qayb-gelaya ee Gobollada iyo degmooyinka ka imanaya inay sidaas ugu diyaar-garoobaan Shirweynaha.
Xubnaha kale ee guddida oo iyaguna Shirka jaraa’id ka hadlay ayaa uddidu qabteen