Pages

Monday, September 8, 2014

Puntland iyo itoobiya oo ka wada hadlay ammaanka xuduudaha – dhegeyso


downloadWasiirka warfaafinta, wasiirka arrimaha gudaha iyo wasiirka howlaha guud ee Puntland iyo taliyaal sar sare ayaa ku sugan degmada Galdogob ee gobolka Mudug iyagoo tegay degmada cusub ee Saaxo.




Wefdiga Puntland ayaa la kulmay madax ka socday dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, kuwaas oo ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta Dr. Cabdiweli Indha-guran.




Indha-guran wuxuu sheegay arrimaha laga wada hadlay in ay ka mid yihiin sidii looga wada shaqayn lahaa ammaanka iyo arrimaha xuduudaha oo la isla eegayo, iyadoo degmada Saaxo ay aad ugu dhowdahay Itoobiya.




Waxaa soo baxayey ilaa shalay warar sheegaya in Puntland iyo Itoobiya ay ku muransan yihiin halka ay ka tirsan tahay Saaxo iyadoo dowladda Itoobiya ay sheeganayso in degmadu ay ku jirto xuduuda dowlad deegaanka soomaalida.




Hoos Ka Dhagayso




[playlist ids="95696"]