Hargeysa(GNA) Labada Xisbi Mucaarid ee Somaliland ayaa sheegay inay si rasmiya u qaadaceen Diwaan-gelinta medeniga ah, maalin kaddib markii uu Wasiirka Arrimaha guduhu cadeeyay inay dalka ka qabsoomayso diwaan-gelintaasi oo uu Ardayda Jaamacadaha ka qalin jabisay ku waaniyay inay taageeraan.UCID iyo WADDANI, waxay ku tilmaameen diwaan-gelintaas khiyaamo cad oo lacag lagu lunsanayo, isla markaana lagu carqaladaynayo diwaan-gelinta codbixiyeyaasha.
“waxaan umadda Somaliland u caddeynaynaa inaanu si rasmiya u qaadacnay diwaan-gelinta khiyaamada ah ee ay dawladdu wadato”sidaas waxa shir jaraa’id kaga dhawaaqay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Xisbiga UCID Cali Guray.
“Waa mid khiyaamo ah oo lacag lagu lunsanayo”ayuu sii yidhi Cali guray.
Labada Xisbi Mucaarid ayaa shirka jaraa’id ka soo saaray bayaan wada jir ah oo ay kaga soo horjeedaan diwaan-gelinta Jinsiyadaha.
“waxaanu taageerayaasha xisbiga waddani ugu baaqaynaa inaanay aqbalin waxa ay xukuumadu wadato ee diwaan-gelinta ku sheegayso”ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed oo shirka jaraa’id ka hadlay.
Mudaneyaal tiro badan oo ka tirsan Golaha Baarlamanka ayaa ka soo horjeeda in wakhtigan la sameeyo tiro-koob medeni ah,iyagoo ku dooday inay khatar ku tahay amniga dalka iyo midnimada.
“diwaan-gelintaa waran-cadde wataa waxay keenaysaa isku dhac iyo amni daro, sharcigeediina wuxuu yaalla baarlamanka oo waa qabyo”ayuu u sheegay Gobanimonews Xildhibaan cabdiraxmaan Shaadh oo ka tirsan Golaha guurtida Somaliland.
Xukuumadda Somaliland iyo Mucaaridka ayaa hore isugu afgaran waayay fulinta diwaan-gelintan, hase ahaatee madaxweynaha ayaa taageeray qorshaha wasaarada arrimaha guduhu wado ee lagu samaynayo inay Muwaadiniintu helaan Dhalasho.
“diwaan-gelintaasi waa ta qofka muwaadinka ah uu ku helayo xuquuqda uu dalka ku leeyahay. Waa ta lagu aqoonsanayo inuu muwaadin yahay iyo in kale” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran cadde oo Khudbad ka jeedinayay Xaflad ay ku qalin jabiyeen 790 oo Arday Arbacadii shalay.
Goor dhow filo Muuqaalka Shirka Jaraa’id ee Mucaaridka:Bulshada iyo muranka Diwaan-gelinta
Bulshada rayidka ah ayaa ku jahawareersan yooyootanka Siyaasaddeed ee ka taagan diwaan-gelinta, waxaana muuqata inaanay dadku wax faham ah ka haysan diwaan-gelintaas.
Inkasta oo dadka qaar u arkaan diwaan-gelinta xuquuq ka maqan oo ay ahayd inay helaan wakhti hadana, waxa mugdi kaga jiraa sida ay xaqiiqada u waafaqayso natiijada ka soo baxda, marka dadka la tiro koobo “ sidee Shirkad gaar loo leeyahay loogu aamini karaa xogta iyo macluumaadka Diwaan-gelinta, yaase damaanad qaadaya inaanay cid kale u gudbayn” sidaa waxa GNA u sheegay Garyaqaan Khadar Koosaar oo ka mida dadka sharciga bartay ee Siyaasadda ku dhex jira.
Diidmada Mucaaridka ee Diwaan-gelintan ayaa boqolkiiba sideetan salka ku haysa arrimaha Doorashooyinka, waxaanay daneynayaan in la sameeyo diwaan-gelinta codbixiyeyaasha si doorashooyinka loo qabto xilligooda.
Doorashada Madaxtooyada ayaa ku astaysan bisha September ee sanadka soo socda, hadii aan muddada loo kordhin xukuumadda talada haysa.
Mugdi kuma jiro in dib u dhac ku imanayo doorashooyinka muddo dhaafay iyo tan madaxtooyada ee kaabi saaran, hadaan xal deg deg ah laga gaadhin wakhtiga ugu dhow arrimaha lagu muransanyahay ee ay diwaan-gelinuhu ka mid yihiin.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com