Pages

Friday, September 5, 2014

Maraykanka oo sheegay in Axmed Cabdi Godane lagu dilay weerarkii Baraawe


GodaneWashingon(GNA):- Waaxda Dicaafa ee Wasaaradda Gaashaandhigga dawladda Maraykanka, ayaa markii ugu horreysay caawa shaaca ka qaadday oo xaqiijisay dhimashada Hoggaamiyihii Kooxda Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane.




Dilka Axmed Cabdi Godane, ayaa yimi ka dib markii ay isaga iyo Saraakiil kale oo Kooxda ka tirsan Diyaaradaha Maraykanku habeennimadii Isniinta ee Salaasadu soo galaysay ku bartilmaameedsadeen Deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.




Saraakiisha Waaxda Difaaca ee Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka, ayaa caawa ka hor illaa intii isniintii inna dhaaftay weerarku dhacay ka gaabsanayey xaqiijinta in weerarka Diyaaradaha Millateriga Maraykanku ka fuliyeen Soomaaliya lagu dilay Amiirka Al-Shabaab, isla markaana ku doodayey inay baadhitaanka xaqiijinta dilkiisa ay ku jiraan.




Hase-yeeshee, Waxa ay Caawa fiidka si rasmi ah u xaqiijiyeen in hoggaamiyihii Kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ka dagaallantaa ku dhintay Weerarka ay Isniintii ku qaadeen, taasoo ay sheegeen inay ku ogaadeen baadhitaan badan oo ay tan iyo intii ay weerarkaas qaadeen wadeen ka dib ay u cataatay inuu duqayntaas ku dhintay hoggaamiye Godane.




Dawladda Soomaaliya Masuuliyiin ka tirsan ayaa hore u sheegay in kasta oo ay adag tahay in la xaqiijiyo dhimashada Axmed Cabdi Godane, haddana ay aammisan yihiin inuu ku dhintay Weerarka ay ku bar-tilmaameedsadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanku