Qore: Xamze Siciid Kuuriya
Farxiya iyo farxaan waxay ahaayeen laba qof oo ku kulmay baraha intenet-ka ee ay bulshadu ka wada xidhiidho gaar ahaan barta ugu caansan ee loo yaqaano Facebook,
In muddo ha markii lays yaqaaney ee lays bartay ayaa waxa dhacday inuu farxaan u soo bandhigay farxiya inay guur iyo nolol cusub bilaabaan oo uu doonayo inuu guursado, maadama uu aaminsanaa inuu si fiican uga bogtay akhlaaqdeeda iyo waliba shaqsiyadeeda.
Marka dhinac laga eego may ahayn laba qof oo aad u kala fog ama laba dal kala jooga laakiin waxay ku wada noolayeen dal qudha iyo waliba magaalo qudha.
Farxiya way ka aqbashay farxaan inay wadaagaan xidhiidh ay ku doonayaan inay gurri ku wada yagleelaan, xidhiidhkii waxa uu socday in muddo ah oo laga wada hadli jiray Mobile iyo waliba facebook markii danbe ee uu in waxoogaa ah xidhiidhkii socday ayay waxay ku heshiiyeen inuu soo doono farxaan oo uu u imaado inanta reerkooda si loo siiyo oo uu u xalaashado ugana dhigto sawjadiisa.
Todobaad ka dib farxaan waxa uu isku diyaariyay doonista iyo soo xero galinta farxiya todobaadkii labaadna waa uu doonay doonis qurux badan ka dib hadana markii bil laysku doonanaa ayuu u dhigay aroos qurux badan oo ay ku dadab galeen.
Imika wax walba way is badaleen oo noloshii waxay noqotay mid xaqiiq ah waxaana laga rabaa labadooda inuu nolosha midba dhiniciisa ka soo tiiriyo si aanay ugu ciirin labadaba.
Farxaan waxa uu iska haystay shaqo fiican waayo waxa uu ka qalin jabiyey jaamacada sanad ka hor sidoo kale farxiya iyaduna kamay dhacayn oo isla sanadkaas uunbay ka qalin jabisay.
Wax farxad iyo wanaag lagu wada noolaadaba waxa dhacday inaanay labaduba iska isticmaalayeen barta internetka ee bulshadu ku kulanto Ee Facebook-ga.
Maalin maalmaha ka mid ah ayay farxiya waxay soo gashay account labaad oo ay barri samayastay si ay caajiska iskaga biiso account-kaas oo aanu ogayn ninkeedu oo ay ka qarisay Farxaan laftiisu kamuu dhacayn oo isna waxa uu lahaa account labaad kaas oo isna iskaga xaraabaysan jiray markii uu ku jiray waqtigiisii xaas la’aanta laakiin muu isticmaalin baryahanba inta uu xaaska yeeshayba laakiin maalin maalmaha ka mid ah ayuu furay oo uu arkay xaaskiisii farxiya oo ugu jirta kuna soo darsatay wuu yaabay oo uu amakaagay naxdina kala qaboobay inyar cabaar ka dib markii u yara nafisay ayuu isku dayay inuu salaamo way ka qaaday hadalo kaftan ah ayuu ku tuuray deetana iyana kamay aamusine way la jaanqaaday in cabaar ah markii lays waraystay ee si fiican sheekadu iskugu duba dhacday ayuu waydiiyey xagay joogto waabay u sheegtay waxa kale oo uu waydiiyey ma xaaslaybaad tahay mise kalibaad tahay waxanay ugu jawaabtay "kalibaan ahay."
Farxaan wuu u qaadan layahay gabadhiisii oo sheeganaysa inaanay xaaslay ahayn way waydiisay inta in leeg isagana oo waxa uu u sheegtay inuu joogo maraykanka bilaa xaasna yahay.
Dareen qosol muujinaya iyo farxad ayay muujisay Farxiya waxanay ku tidhi aad baan u soo dhawaynayaa inaan is barano, waxa uu ka codsaday inay u soo dirto sawr hadalba kamay soo celine calaa duul ayay ugu soo dirtay sawr ay leedahay oo ay gashay maalmihii arooskeeda.
Isna way ka codsatay oo waxa uu u diray sawr inan ay saaxiibyihiin oo jooga maraykanka waxanay ku tidhi “aad baad u uqurux badantahay kaagana helay”
Marka uu shaqada ka imaado farxaan waxba uma sheego xaaskiisa mana dareensiiyo laakiin si caadi ah ayuunbuu ula dhaqmaa.
Farxiyi maaha qof kaligeed guriga joogta oo ka shaqaysa lakiin waxay qabsatay inan u shaqaysa, inta uu farxaan ku maqanyahay shaqada ama se uu dibada u baxana waxay ku mashquulsantahay barta bulshadu ku haawasawdo ee Facebook taas oo ay ka dhiganayso mid ay caajiska iskaga biiso kuna xaraabaysato laakiin aanay ogayn caqabada kaga iman karta iyo inay ku waayi karto gurigeedan ay dhisatay ee imika uun hana qaadka ah.
Farxaan maalin walba marka uu shaqada ka imaado waxa uu u soo gala iyada oo uu laptop horteeda yaalo oo aan qaban wax hawl ah oo gurigeeda ka jirta.
Waxba ma waydiiyo laakiin wuxuu kula taliyaa mar kasta iska daa Facebook-gan aad isticmaalayso dhawr jeerna way isku khilaafeen laakin dhag jalaq umay siinin.
Waxay sidii ahaataba waxa dhacday inuu farxaan samaysto SKYPE oo ah Bar maqal iyo muuqaal ah oo laga wada haasaawo wuxuuna ku soo galay magac la mid ah kii uu facebook-giisii uu kala hadli jiray iyada ee aanay ogayn la magac ah.
Markii ay soo gashay Facebook-ga ayay qaateen sheeko sidii caadada u ahayd waxaana uu ku yidhi maanta waxaan doonaya inaynu u wada sheekaysano si maqal iyo muuqaal ah ee ii sheeg SKYPE-ga magacaad ku soo gasho ,waxay u sheegtay Magacii ay ku soo galaysay waana uu ku darsaday.
Runtii waxay ka ahayd Farxiya sheekadani mid aanay ka rabin mustqabal laakiin waxay isku dhaafinaysay waqtiga ileen shaqo kama qabanayso gurigee oo waa loo shaqaynayaaye.
Runtii ismay saarin masuuliyad ah inaanay imika ahayn qof kali ah ee ay tahay xaas oo ay ka mamnuuc tahay inay la sheekaysato ama hasaawe u furto Raga kamanay filayn inuu fahamasanyahay ninkeedu waxan ay wado oo meeshaba may soo dhigan isagaa kaaga soo bixi kara.
SKYPE marka laga wada hadlayo waa lays arkaa laysna maqlaa oo maqal iyo muuqaal weeyaan.
Farxaan waxa uu doonaya maanta inuu tuso inuu fahansayahay waxan ay wado oo uu deetana iska furo waayo qofka sidaas ahi ma noqon karo qof qaadi kara masuuliyadii xaaseed.
Isla markii ay furtay Camera-da Laptop-keeda waxa kaga soo booday farxaan, indhahaa waynaaday wayna u qaadan wayday inay riyo tahay iyo inay dhab tahay wayna dhacday naxdin daraadeed oo miir doorsoontay.
Farxaan shaqadii ayuu ka imid iyada oo aanay waqtigeedii gaadhin waayo waxa uu dareemay inay farxiya wax ku dhaceen.
Gurigii markii uu soo galay ayuu arkay xaafadii oo lagu buuqsanyahay oo farxiya laga laayahay wax dhaqdhaqaaq ah isla markiiba waa uu qaaday waxaanauu geeyey cusbitaalka inyar ka dibna waxa ku soo laabtay miirkii oo way kacday waxayna indhaheedu qabteen farxaan oo dul fadhiya .
Runtii muu doonayn inuu sidaas oo dhan uga nixiyo laakiin waxa uu tusayay waxay tahay khiyaamadu iyo inaanay u wanaagsanayn dad is aaminay.
Farxiyi khajilaad iyo naxdin ayay isloodin kari wayday wajigana way siin kari wayday xaajigeedii farxaan farxaan mar cadho ayaa qabata laakiin hadana waxa uu ahaa qof iyada aad u jecel.
Reerkoodii way yaabanyihiin oo waxa lays waydiinaya “tallow maxaa ku dhacay inanta ee ay la miir doorsoontay.”
Laakiin Farxaan labadii qoys ee ay ka soo kala jeedeenba midna waxba umuu sheegin ee afkiisa ayuu haystay oo muu rabin inuu furo gabadhiisa waayo waa uu jeclaa isla markiina waxa uu ka noqday go'aankiisii ahaa inuu furo laakiin inuu waaniyo oo uu arintaa xaliyo ayuu rabaa.
Guriga ayaa lagu soo celiyay iyada oo caadi ah laakiin naxdintii ku sii jirto dadkiina way kala tageen.
Xabaal iyo ninkeed loo kala tag ayay maahmaah soomaali ahi ahayd ee markii guriga loo faaruqiyay Farxiya iyo farxaan ayaa waxa dhacday in farxaan la soo fadhiistay gabadhiisii oo uu waydiiyey waxa ku kalifay, waxaanay ugu jawaabtay “ Anigu waan ku jeclahay Farxaan laakiin waxa igu kalifay inaan sidaa sameeyaa waa inaan noqday qof la qabsaday oo muddo badan soo isticmaalayay Facebook kamanaan fikirin dhibaatada uu inoo keeni karo arinkaasi oo caajiska ayuunbaan iskaga biinayay laakiin wax kale ugamaan jeedin waanan khaladamay dibna ugu noqon maayo ee markaas uun isii jaanis ina saamax fadlan walaal.”
Farxaan aad iyo aad ayuu u jeclaa Farxiya iyaduna sidoo kale laakiin dhibataada ayaa ka timid masuuliyad daro xageeda ah.
Farxaan waxaa uu ugu jawaabay waan ku saamaxay laakiin ii balan qaad inaanad dib u isticmaalayn Facebook iyo wax la mid ahba daacadna aad ii noqonayso oo aanad cid danbe la xidhiidhayn.
Waanay u balan qaaday xagii ayuu farxaan waano dabada uga galay xaaskiisii.
Farxaan iyo Farxiya waqtigaa ka dib waxay ku wada noolaadeen farxad iyo daacadnimo.
Hargeisa, Somaliland
Mobile: 0634410163
Email: Xamzesiciid@gmail.com
Facebook Account: https://www.facebook.com/Hamze.kuuriya