Gudoomiyaha cusub ee Xisbiga Wadani laanta Belgium Maxamed Cabdiraxmaan Jaket ayaa si rasmiya looga soo magacaabay golaha dhexe ee xibsiga Wadani ee Magaalada Hargeysa (Daawo Sawiro)
Antwerp (GNA)-Madal siwayn loo soo agaasimay oo lagu caleemo saarayay magacaabista Gudoomiyaha xisbiga Wadani ee dalka Belgium Maxamed Cabdiraxmaan Jaaket oo hore u ahaan jiray Gudoomiyaha Jaaliyada reer Somaliland ee dalka Belgium ayaa lagu qabtay magaalada Antwerp ee dalka Belgium.
Madashan oo si wayn loo soo agaasimay ayaa waxa ugu horayn ka hadlay gudoomiyaha Jaaliayda reer Somaliland ee dalka Belgium Aadan Xasan oo sheegay ina xisbiga Wadani uu u soo magacaabay shakhsigii ku haboonaa, gacmo furana kusoo dhawaynayo, waxaanu gudoomiyaha reer Somaliland sheegay in marka qurbaha la joogo dadku ay isku xidhan yihiin siyaasada ay ka horayso danta guud sidaa darteed xisbiga kasta ay la shaqaynayaan.

Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye Maxamed Muuse ayaa isna dhinaciisa siwayn usoo dhaweeyay Gudoomiyaha cusub ee Xisbiga Wadani ee dalka Belgium Maxamed Cabdiraxmaan Jaaket, isagoo tilmaamay in xisbiga Wadani kusoo dhawaynayaan gamco furan Gduoomiye Jaketna danta guudna gacmaha iska qabsan doonaan,, isagoo tilmaamay in tartanka xalaasha ah ee ka dhaxeeya xisbiyada qaranka aanu marna umadda kala fogaynayn hadii siyaasiintu aanay ummada kala fogayn.
Gudoomiyaha ururka Diaspora Maxamuud Aadan oo madasha goob joog ka ahaa ayaa isna si kal iyo laab ah usoo dhweeyayay gudoomiyaha cusub ee Wadani Jaaket isagoo ilaahay uga baryay in xilka loo magacaabay ilaahay u fudueeyo waxaanu kula dardaarmay in hawsha sideeda uga soo baxo , isagoo gudoomiyaha kula kaftamay in xilka hadii uu sidii loogu dhiibay uga soo bixi waayo in dadku dib uga tirsan doonaan.
Dhinaca kale waxa isna goobta ka hadlay gudoomiyaha xisbiga UCID Belgium Maxamed Yaasiin ooo si kal iyo laab ah usoo dhaweeyay Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Belgium , waxaanu gudoomiyaha u rajeeyay guul iyo inuu hawshiisa u guto si wacan , waxaanu sheegay in dant guud markasta laga horaysiiyo siyaasada gacmahana lays qabsado si loo gaadho yoolkeena guud ee aan hiigsanayno.
Taageerayaasha xisbiga Wadani ee dalka Belgium oo aan u kala hadhin ayaa si wayn u soo dhaweeyay magacaabista loo soo magaacabay gudoomiyaha cusub ee xisbiga Wadani Maxamed Cabdiraxmaan Jakeet oo ah shakhsi maamuus iyo sharaf ku dhex leh bulshada reer Somaliland ee ku dhaqan wadankan Belgium, waxaana dadku si aanay u kala hadhin u gacan qaadeen gudoomiyaha Wadani Belgium Maxamed Cabdiraxmaan Jaaket iyagoo ilaahay uga baryayay in xilka ilaahay u fududeeyo kulana dardaarmay in dadaal wayn u galo sidi umada lasykugu soo dhawayn lahaa , xisbigana dar dar galiyo tageerayashiisana u muuijiyo firfricooni dheeraad ah si xisbigu u hanto taagerayaal dheeraad ah.
Waxa isna goobta lagu soo doortay Gudoomiye kuxigeenka xisbiga Wadani ahna gudoomiyaha jaaliyada reer Somaliland ee hada Aadan Xasan iyo xukigeenkiisa labaad ee xisbgia Wadani Belgium Siciid Shugri.
Ugu danbayn waxa xafladan caleema saarka ahayd mid kusoo dhamaatay jawi qurux badan iyadoo taageerayaasha xisbiga Wadani ee madashan ka soo qayb galay u ahayd mid muhiimad gaar u leh maadama madasha si wayn layskugu arkay kuna abuurtay yididiilo iyo dhiiri galin badan .
Saciid Cali Dahir
Antwerp
Belgium