Sunday, September 14, 2014

Kuuriyada Waqooyi oo 6 sano oo xadhiga ku xukuntay Nin Ameerikan ah

[caption id="attachment_98455" align="alignleft" width="300"]Maraykankii 3ad ee maxkamad la tago Maraykankii 3ad ee maxkamad la tago[/caption]

Maxkamada Qaranka ee Kuuriyada Waqooyi ayaa lix sanadood oo xadhiga iyo shaqo adag oo muddo soconaysa ku xukuntay Nin u dhashay Maraykanka oo bishii April la qabtay, isagoo  safar dalxiis ah ku soo galay.

Dawladda ayaa Ninkan ku eeddeysay inuu howlo basaasnimo ah dalkeeda ka fulinayay, waxaana muddo ku socotay Maxkamadda.

Qaraar ka soo baxay Dawladda oo aan faahfaahin badan lagu bixin ayaa

Matthew Miller ayaa noqonaya Muwaadinkii saddexaad ee xadhig loogu geysto dalka kuuriyada waqooyi oo ka mida dalalka Xurgufta Siyaasaddeed u dhaxayso Maraykanka.