Pages

Tuesday, September 9, 2014

Keebaa hadal badan ragga iyo dumarka?


haween(GNA)Bulshooyinka dunida oo dhan waxa ku faaftay aaminsanaanta ah in dumarku caado ahaan ay ka hadal badan yihiin raga. Daraasad lagu sameeyey dalka Maraykanka ayaa xaqiijisay aaminsanaantaas.




 




Cilmi-baaristaani waxa ay muujisay in labada jinsi ay aad isugu dhow yihiin marka la eego tirada ereyada ay maalin walba adeegsadaan laakiin taas macnaheedu aanay ahayn in ay is le’eg yihiin. Daraasaddan oo ay samaysay jaamacadda Arizona ee dalka maraykanku waxa natiijadeeda shaaciyey shabakadda wararka ee CNN, waxaanay caddaysay in arday ka badan 400 oo isugu jira rag iyo dumar kuwaasoo dhigta jaamacadaha kala duwan ee dalka Maraykanka lagu sameeyay baaritaan xeel-dheer, laguna l ogaaday in ereyada ay maalin kasta isticmaalaan aad isugu dhow yihiin, laakiin mar walba ay dumarku horeeyaan.




 




Khubarada samaysay daraasaddani waxa ay sheegeen in ardaydan tijaabada lagu sameeyey lagu rakibay qalab xisaabinaya tirada ereyda ay ku hadlaan labada jinsiba, waxaana soo baxay in celcelis ahaan in dumarku isticmaaleen 16 Kun iyo 200 Kun oo erey maalintii, halka ay celcelis ahaan ka isticmaaleen 15 Kun iyo 600 oo erey, taas oo macnaheedu yahay in faraq xaga tirada ereyada ah ee u dhexeeyaa yahay 600 oo erey. In kasta oo sida ka muuqata daraasaddan ay dhab tahay in mar walba ay dumarku ka hadal badan yihiin ragga haddana sida ay ku doodayaan khubarada samaysay daraasaddani waxa ay qabaan in tirada u dhexaysa oo ay u arkaan mid aad u yar darteed aanay habboonayn in mar walba dumarka lagu canaanto hadal badni ama halbeeg looga dhigto astaanta hadalka.




 




Si kastaba ha ahaato ee aragtida khubaradan ee ah in dumarka aan si buuxda dusha looga saarin ka hadal badnaanta ragga waxa u markhaati furaya marka la eego natiijada daraasaddan qaybteeda qof qof isu barbar dhigaysa labada jinsi, tusaale ahaan, ragga qaar kelmadaha ay maalintii isticmaaleen kamay badnayn 500 oo erey halka ragga qaar ay ka gaadhay 47 Kun oo erey maalintii. Dhanka kale Drs. Luwan Brezendine oo ah dhakhtarad ku xeel dheer  cilmu-nafsiga hadalka ayaa soo saartay buug muran badan dhaliyey oo magaciisu Soomaali ku noqonayo, Caqliga haweenka. Waxa ay digtooraddani buugeeda ku sheegtay in dumarku celcelis ahaan maalintii isticmaalaan 20 kun oo erey, halka ragga kowooda ugu hadalka badani ereyada ay isticmaalaan aanay ka badnayn 7 Kun oo erey.




 




Waxa ay digtooradu ku sheegtay buugeeda in abuur ahaan gabadhu mar walba ragga ka hadal badan tahaym iyada oo ku dooday in qayb dhan oo ka mid ah maskaxda gabadhu gaar u tahay hadalka iyo sii daba dheerayntiisa. Waxa ay gabadhani buugeeda ku sheegtay in hadalku ka mid  yahay wax yaabaha gabadha ku abuura badhaadhaha iyo farxadda. Laakiin daraasaddan haweenaydani waxa uu aqoonyannada cilmiga bulshada iyo cilmi baadhayaasha ka dhex dhaliyey buuq iyo muran adag, laakiin inta badan daraasadaha la sameeyey xataa kuwooda ka soo horjeeda aragtida gabadhan waxa ay muujiyeen in dumarku hadal badan yihiin keliya waxa ay ku kala duwan yihiin tirada ereyada ay is dheer yihiin.