Thursday, September 4, 2014

Jig-jiga: Madaxweyne Illay oo iscasilay


By: Baadiyenews..




ILLAYJigjiga(GNA):- Madaxweynihii dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar (ilay), ayaa qoray Warqaddii iscasilaaddiisa, ka dib markii khilaaf soo dhex-galay Ku-xigeennadiisa iyo Masuuliyiinta Xisbiga laga soo doorto Madaxweynaha dalkaas, kuwaasoo ay dhex-dhexaadisay dawladda Federaalka Itoobiya, ka dibna lagu khasbay inuu intaan codka gacan-taagga ah ee kalsooni-kala-noqoshada loo qaadin uu isagu si rasmi ah isu casilo.




Madaxweynaha maamulka Kilil-ka 5aad ee dalka Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar [Iley] ayaa lagu soo waramayaa inuu shalay u dhoofay xagga magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya waxaanay arrinta socdaalka Mr Iley ka dambeysay markii ay soo baxday inuu qoray warqad uu ku cadaynayo inuu ka dagayo xilka Madaxweyne-nimada kaas oo cadaadis badan lagu saarayey todobaadyadii la soo dhaafay  inuu meesha ka tago.




Wararar lagu kalsoon yahay oo Baadiye ka helay xarunta Jigjga ee maamulka Somalida ayaa sheegay inuu Mr  Ilay shalay u dhaqaajiyey dhanka Addis Ababa isaga oo adeecayey amar kaga yimid xaga Dawladda fadaraalka ah ee Addis Ababa kaas oo farayey inuu si deg-deg ah ku soo galo  magaalada Addis Ababa. “Shalay ayuu u dhoofay Addis Ababa waxaana u yeedhay Dawladda dhexe ee Fadaraalka ah.” ayuu yidhi warka uu Baadiye ka helay arrimaha socdaalka Cabdi Iley ee Addis Ababa.




dhanka kale waxay wararku intaa ku darayaan in iyagana sidoo kale looga yeedhay xagga xarunta Addis Ababa qaarkamida xubnihii maamulkiisa hoos imayey ee ay sida weyn isugu khilaafsanaayeen arrimaha jaha wareerka balaadhan ka dhex dhaliyey Cabdi Illey iyo maamulkiisa Jigjiga “Way is wada raaceen waxoodii oo dhami.”Mayaa lagu yidhi warka Baadiye ka helay arriimahaasi ku saabsan khilaafka maamulka Kililka 5aad hadheeyey bilihii la soo dhaafay.




Dawladda dhexe ee Itoobiya ayaa kalsooni badan ku qabtay Cabdi Iley waxaana la sheegay inuu kalsoonidaa kaga Kasbaday Dawladda Addis Ababa sidii baaxadda lahayd ee uu Tolkii seefta u mariyey taas oo ay wararku sheegayaan inaanay Dawladda dhexe kahelin Madaxweyne-yaashii Kilillka soo maray oo dhan wixii ay ka heshay Mr Ilay oo ahaa inuu cagta mariyey kooxihii mucaaradka ku ahaa Itoobiya ee ONLLF kuwaas oo uu si weyn u kala daadiyey isaga oo sida xagga sare ku xusan qaarkood dhagta dhiiga u daray halka uu qaarkalena siyaasad ahaan ku soo xero galiyey taas oo maamulka Addis Ababa ka dabcisay xumadii casida ku haysay ee kooxaha ONLLF-tu ku hayeen.




Cabdi Maxamuud Cumar ayey wararku sheegayaan markii ay meel sare gaadhay arinta khilaafaadka ee u dhexeysay isaga iyo gudaga maamulkiisa oo la sheegay inay dhaq-dhaqaajisay Dawladda dhexe inuu is hortaagay shirkii Golaha dhexe ee Xisbigiisu qabsan lahaa kaas oo uu ka baqay inay codka kalsoonida ahaa ee ay horey u siiyeen kala-laabtaan waxaanay wararku tibaaxayaan inay arintaasi tahay sababta ay Dawladda dhexe u soo faro galisay khilaafka maamulka Mr Iley,si kastaba ha-ahaatee Mr Iley ayey wararku sheegayaan inuu go’aansaday inuu waraqdda istiqaaladda dhiibo ka hor intaanay xubnaha Xisbigiisu sharafta kaga xayuubin meel fagaare ah sidaa darteed ayaa la sheegayaa inay Dawladda dhexe ugu yeedhay Mr Iley iyo saraakiil kale oo ka tirsan maamulka Kililka 5aad lamana garanayo waxa ka soo bixi doona Dawladda dhexe inuu noqon doono inay meesha ka eryaan iyo inay siiyaan duruus hor leh oo uu ku shaqayn doono meeshana uu sii joogi dooni inta ka horeysay doorashada Kiilka dhawaan ka dhici doonta.




Dhanaka kale Cabdi Iley ayaa lagu tilmaamaa inuu ahaa ninkii ugu waxqabadka fiicnaa maamulladii soo maray Kilil-ka 5aad ee isaga ka horeeyey tan iyo wixii ka dambeeyey markii ay meesha ka baxday Dawladii Mingiste ee dhergiga ahyad taas oo cadaadis badan ku haysay umadda Somalida ah ee dalka Itoobiya.




wararku waxay intaa ku darayaan inaysan ujeedada Dawladda dhexe ee itoobiya ahyan inay hesho nin uga dhaga nuglaan badan Cabdi Iley balse ay ujeedadu tahay sidii ay ugu sii gogol-xaadhi lahayd inuusan talada Kililka ku soo laabanin doorashooyinka soo socda ee 5 ta sano ee soo socota taa soo ay Dawladda dhexe doonayso inay cidkale u soo cimaadato isaga bedalkiisa kaas oo sida la saadaalinayo noqon doona uun mid uu maamulka Addis Ababa iska hubiyey in laga siibay XINIIN-YAHA si uu-ugu shaqeeyo awaamirta ka soo fusha xagga maamulka Addis Ababa siduu doonaba ha-ahaadee