Pages

Saturday, September 13, 2014

ISIS oo 21000 oo Dagaalyahan qortay Saddexdii bilood ee u dambeeyay

[caption id="attachment_98332" align="alignleft" width="300"]Xoogaga ISIS ayaa la sheegay inay saddex jibaareen ciidankooda  Xoogaga ISIS ayaa la sheegay inay saddex jibaareen ciidankooda[/caption]

Baqdaad-Xooggaga ISIS ee Ciraaq iyo Syria, ayaa saddex jibaaray ciidankooda saddexdii bilood ee ugu dambeeyay, sida ay sheegayaan waaxda mukhaabaraadka ee Maraykanku.

Ku dhawaad Labaatan kun oo askari ayay qorteen saddexdii bilood ee ugu dambeeyay ISIS, waxaana la aaminsanyanay haatan inay haystaan askar tiradoodu kor u dhaafayso 31,500 oo Dagaalyahan (kow iyo sodon kun iyo shan boqol oo askari).

Sida ay ku dooddayaan sirdoonka Maraykanku , tiradda Dagaalyahanada ISIS ayaa horey u ahayd toban kun oo askari, xilligii ay sida rasmiga ah u soo if baxeen, laakiinse haatan waxa la sheegaya inay tiradaasi u korodhay si aan caadi ahayn.

Afhayeen u hadlay CIA-da Maraykanka oo magaciisa la yidhaahdo Ryan Trapani, ayaa sheegay inay korodhka dagaalyahanada ISIL khatar argagixiso oo baaxad sii yeelanaysa muujinayso, waxaanu ka digay xaalada bariga dhexe iyo dhulka ciraaq ay arrintani ku soo kordhinayso.

Warbaahinta reer Galbeedka ayaa aad u xayeysiinaysa dhaqdhaqaaqa Xooggaga Daacish ee Ciraq iyo Syria, taasoo inta badan soo xiganaysa dareenada ay ka muujinayaan hogaamiyeyaasha Maraykanka iyo Reer Yurub.

Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka John Kerry, ayaa Jimcihii sheegay inay Washington ka shaqaynayso sidii loo wiiqi lahaa cududda Kooxda Argagixisada ah ee ISIL, waa sida uu sheegaye.

Kaddib shir looga hadlay Arrimaha ciraaq oo Turkigu marti geliyay, hadal uu jeediyay waxa uu ku sheegay inay daruuri tahay in qaramada adduunku iska kaashadaan sidii loola dagaalami lahaa xagjiriinta aduunka ku soo fidaya.

Maraykanka ayaa taageero u doonaya weerar Milateri oo ISIS-ta Syria lagu qaado, laakiinse taasi waxa si toos uga soo horjeestay Ruushka, Iran iyo Dawladda Syria, waxaanay ku tilmaameen talaabo aan la aqbali Karin.