Pages

Sunday, September 7, 2014

Heshiiskii Kooxaha Falastiiniyiinta oo qarka u saaran inuu bur-buro


Israel ayaa isha ku haysa khilaaf ka dhex qarxa Falastiiniyiinta si ay cadaadis u saaran garabyada midoobay




[caption id="attachment_94674" align="alignleft" width="300"]Maxamuud Cabaas iyo Cabdifatax Sisi Maxamuud Cabaas iyo Cabdifatax Sisi [/caption]Rafa(GNA)-Madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabaas ayaa ku hanjabay inuu ka baxayo heshiiskii u dhexeyay Kooxda Xamaas, hadaanay joojin isla weynida ay dawladda kala soo horjeedo iyo amar ku taaglaynta sii socota ee ay nidaamka dawladda ku liciifinayaan.




Maxamuud Cabaas ayaa hadalkan jeediyay isagoo ku sugan Magaalada Qaahira ee dalka Masar, halkaasoo uu kaga qayb galay shirkii Midowga Carabta, kaddibna kulmo kula yeeshay hogaamiyeyaal Madaxweynaha Masar ka mid yahay.




Cabbaas ayaa waxaan la aqbali Karin ku tilmaamay diidmada awoodda dawladda ee Xamas, sidii heshiisku ahaa, waxaanu caddeeyay inaanay Xamaas wali ixtiraamin awooda maamulkiisa iyo in dhulka colaadu la degtay ee GAZA maamul loo sameeyo.




Waxa uu sheegay inuu dhankiisa ogolyahay in la sameeyo maamul wadaag ah oo dadka reer falastiin yeeshaan si ay cagahooda isugu taagaan.




“ma aqbali karno inay Ururka Xamas sii wado diidmada awooda maamulka dawlada falastiin si loo sii wado hanaanka dhismaha”ayuu yidhi Cabbaas, sida lagu sheegay bayaan lagu shaaciyay Wakaalada Wararka ee dawladda.




Cabaas ayaa sidoo kale ku eeddeeyay Xamaas inay dil ku fulisay dad aan calaadda la marin oo ay dambiyo ku oogeen.




Laakiinse Kooxda Xamaas ayaa iska fogaysay eeddaha uu u jeediyay maxamuud Cabbas, taasoo ay ku micneeyeen arrin xaqiiqada ka fog xagoodda.




Afhayeen u hadlay Ururka Xamas oo magaciisa la yidhahdo Sami Abu Zuhri, ayaa dhaleecayn aan sal iyo raad toona lahayn ku tilmaamay eedaymaha uga yimi Hogaamiyaha Ururka FATAX Maxamuud Cabaas.




Waxa uu intaasi ku daray inay dhakhso ula kulmi doonaan Maamulka Maxamuud Cabaas si ay uga wada hadlaan khilaafka soo cusboonaaday, wixii jirana meesha uga saaraan.




Sami Abu Zuhri, ayaa yidhi “ waa mid runta ka fog inaanu dadkayaga kula kacnay calaad-daro”. “si dhakhso ah ayaanu ula kulmi doonaa dhinaca Fatax”ayuu sii yidhi.




Xiisadan ka dhex qaraxday kooxaha falastiiniyiinta ee heshiis wada gaadhay sanadkan gudihiisa, ayaa ku soo beegmaysa usbuuc kaddib xabad joojintii lagu qaboojiyay dagaalka u dhexeeya Yuhuuda iyo Falastiiniyiinta.




Xabbad joojintaas ayaa u muuqata mid haatan dhaqan gashay wallow aanay cago adag oo muuqda ku taagnayn, soona baxayaan isku dayo ay Israel doonayso inay kula wareegto dhul cusub oo falastiin leedahay.