Muj. Caydaruus oo Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani ka soo dhex muuqday, kana baxay kulmiye
Hargeysa(GNA)-Waxa maanta Magaalada Hargeysa lagu soo dhaweeyay Siyaasi Caydaruus Maxamuud Yuusuf oo ka mid ah Madaxda Qurbo-jooga Somaliland ee Cariga maraykanka, gaar ahaan Guddoomiyaha guud ee Qurbo-jooga Beesha Toljecle.
Caydaruus Maxamuud Yuusuf ayaa ka soo degay Madaarka Diyaaradaha ee Hargeysa, halkaasoo ay ku soo dhaweeyeen xubno ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga Waddani iyo dadweyne kale oo tiro badan.
Masuuliyiinta Xisbiga Waddani ee ka qayb-qaatay soo dhaweynta Muj. Caydaruus waxa ka mid ahaa Guddoomiyaha Xisbigaasi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo Masuuliyiinta Gobolka maroodi-jeex ee xisbiga.
“waxaanu maanta aad iyo aad ugu faraxsanahay inaanu halkan ku soo dhaweyno Muj. Caydaruus oo ah Guddoomiyaha Qurbo-jooga Beesha Axmed sheikh isaxaaq”. sidaasi waxa yidhi Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Xisbiga wadani Eng, Saalax Muxumad Idiris (Shiine).
Shine ayaa intaas ku daray inay soo dhaweyntani bilow u tahay qorshe taxane ah oo ay Xisbi ahaan ku soo dhaweynayaan Taageerayaasha Beeshaasi ee Xisbiga ku soo biiray iyo hogaamiyeyaashooda.
“howshani waxay bilow u tahay qorshe socda oo howluhu way dambeeyaan, laakiinse tan maanta aynu u taaganahay waa soo dhaweyn”ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Xubno ku hadlayay afka Dhalinyarada iyo qaybaha kale ee Bulshada Siyaasigani ka soo jeedo oo iyaguna ka hadlay munaasibada soo dhaweynta ayaa sheegay inay soo dhaweynta, kaddib si rasmiya ugu biiri doonaan Xisbiga WADANI.
“waxaan maanta soo dhaweynaynaa Guddoomiyaha qurbo-jooga Beesha Tol-jecle Siyaasi Caydaruus Maxamuud oo ah Musharaxa Beesha ee Xisbiga wadani ee Doorashooyinka Wakiillada” ayuu yidhi Yacquub Cabdilaahi Cumar oo ku hadlay Afka Dhalinyarada ka qayb-qaadanaysay qaabilada Siyaasigan.
Siyaasi Caydaruus Maxamuud Yuusuf oo hadlay soo dhaweynta loo sameeyay kaddib, ayaa u mahad celiyay guud ahaan dhinacayda ka qayb qaatay soo dhaweyntiisa,waxaanu si gaar ah ugu mahad naqay hogaanka Xisbiga WADANI iyo taageerayaashiisa.
“waxaan u mahad naqayaa qof kasta oo maanta oo ay maalin khayr badan tahay halkan u yimi aniga awgay” ayuu yidhi Muj. Caydaruus “ howshuna way sii socon doontaa” ayuu sii raaciyay.
Siyaasigan oo sii hadlay wuxuu dareen ahaan qeexay waxa ay tahay xisbinimadu “Xisbinimadu maaha wax afka uun laga yidhaahdo ee waa mabda”. “waxaanan u sharaxanahay Musharax Golaha Wakiillada ah Xisbiga Wadani”ayuu sii yidhi.
Guddoomiyaha Xisbiga WADANI, ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), oo isuguna ka hadlay soo dhaweynta siyaasigan ayaa sheegay inay xisbi ahaan waji siyaasaddeed oo furan ku qaabilayaan Guddoomiyaha qurbo-jooga iyo Taageerayaashiisa, waxaanu intaasi raaciyay inay soo dhaweynayaan howsha socota ee ku saabsan ku soo biirista Xisbiga ee Beeshan.
Siyaasi Caydaruus ayaa hore uga tirsanaa hormuudka Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ee dalka Maraykanka, wuxuuse maanta si rasmiya ugu dhawaaqay inay isaga iyo Taageerayaashiisu u digo rogteen Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.
Lama oga saameynta ay talaabooyinka isa soo taraya ee Xisbiga kulmiye Taageerayaashiisa ku luminayaa ku yeelanayso, loolanka doorashooyinka soo socda, waxaase muuqata inay tani nusqaan ku keenayso cududdiisa xisbinimo.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com