Hargeisa 03 September 2014 (GNA) - Waxaan halkan hambalyo iyo farxad aan lasoo koobi karayn u marinaynaa Hodan Jama Nuuh oo maanta ku guulaysatay kaalinta koo baad jaamacadda Newgeneration Univercity College oo ku taala magaaladda Hargeisa ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Xafladan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayna kasoo qaybgaleen madaxdda dalka u sareysa sida madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland mud: Cabdiraxmaan Cabdillaahi Isamciil (Saylici), iyo xubnaha sar sare ee jaamacadaas.
Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane: Cabdiraxman Cabdillaahi Ismaciil (Saylici), oo gudoonsiiyey abaal marintii ugu weyneyd ee Hodan Jama Nuuh ku guulaysatay.
Hambalyadda iyo farxadda lama soo koobikaro ay maanta mutaysatay Hodan Jama Nuuh oo kaalinta 1 aad ku guulaysatay Jaamacadda Newgeneration University College oo ku taala Caasimadda Hargeisa.
Hodan yaa dadaal dheer uso martay sidii ay uga midho dhalin lahayd waxbarashadeedda heer jaamacadeed oo ku bixisay juhdi farabadan.
Hambalyo hambalyo hambalyo, guushaa aad gaadhay iyo cilmigaa aad baratay ilaahay ha kaaga dhigo mid ku anfaca ummadana aad uga faa'iidayso.. Aamin
Newgeneration Univercity College In Hargeisa Somaliland.
GobanimoNews Agency
Helsinki