Diwaan-gelinta Medeniga ee Somaliland: shaxda Deegamada laga fulinayo, diidmo hor leh iyo dareenkii hore ee Xisbiyada Mucaaridka
[caption id="attachment_85883" align="alignleft" width="259"] shaqaalaha diwaan-gelinta[/caption]Hargeysa(GNA)-Laba boqol oo goobood ayaa loo qoondeeyay inay ka qabsoonto diwaan-gelinta medeniga ah ee wali muranku ka taaganyahay Somaliland.
Goobahaas ayaa waxa loo kala qaybiyay afar derejo oo A-D, iyadoo qaybinta goobahaasna lagu saleeyay lixdii gobol ee hore, sida ay tilmaamayso shaxda aan helnay oo deegaamada qaar laga diiday.
Bisha September ayaa lagu wadaa inay qabsoonto diwaan-gelintaasi oo dhamaan agabkii iyo waxyaabihii kale ee loogu talo-galay xukuumadu sheegtay in la diyaariyay.
“Bisha September ayay bilaabmaysaa, diwaan-gelintu, sidaan qorsheynay”ayuu Gobanimonews u sheegay xubin sare oo ka tirsan Guddida qaran ee howshan gacanta ku haysaa.
Hadaba inkasta oo aanu jirin war rasmiya oo ka soo baxay Guddida howshan maamulaysa oo la xidhiidha sida deegaamada loogu qaybiyay, hadana Gobanimonews waxay heshay Shax muujinaysa qaabka guddidu u dejisay istaraatijiyada Diwaan-gelintan.
Halkan ka eeg Shaxda:
200 Center Names
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
Diidmo hor leh
Shaxda u dhigan noocan waxa diiday deegaamo ka tirsan Gobolka Maroodi-jeex, gaar ahaan Degmooyinka Koonfur iyo Hargeysa.
Bayaan qoraal ah oo ay na soo gaadhsiiyeen xubno ku hadlay aqoonyahanka iyo waxgaradka deegaamadaasi, waxa lagu sheegay inay tahay diwaan-gelin dhinac ka raran oo aan dhexdhexaad loogu qaybin deegaamada lagu qabanayo.
Bayaan: Aqoonyahanka iyo Dhalinyaradda Beelaha Ciidagale oo Qaadacay Qorshaha Diiwaan-gelinta Madaniga ah
Ku: Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland
Ku: Axsaabta Qaranka Somaliland
Ku: CidkastaoodaneenaysaNabada Iyo Horumarka Somaliland
Og: Wasaarada Arrimaha Gudahaiyo GudigaDiiwaan-Gelinta
Horudhac
Diwaan-gelinta madaniga ahi waxa ay muhiim u tahay in la sugo aqoonsiga muwaadinka, qorshaynta adeegyadda bulshada, jaangoynta barnaamijyada iyo siyaasadaha horumarineed. Diwaan-gelintu waxa kale oo ay fure u tahay in ay helaan muwaadiniintu xuquuqdooda siyaasiga ah oo ay kaga gedisan yihiin dadka ajaanibka ah ee dalka la degen.
Hasayeeshe’e, Nidaamka dawladuhadda u qorsheysay Diiwaangelintu waa nidaamaan caddaalad ku dhisnayn oo si badheedh ah loogu talagalay in lagu dulmiyo xuquuqda muwaadiniin gaar ah oo keeneysa khal-khal siyaasadeed iyo mid amniba.
Beesha Ciidagele waxay daadafaynaysa qorshaha ay Diiwaan-gelinta u dejiyeen Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Guddiga Diiwaan-gelintu sabaha soo socda awgood:
1. Diiwaan-gelinta madaniga ah ee hadda la wado waa mid si badheedha loo siyaasadaynayo oo bulshadeena qaybka mid ah la rabo in tiradooda hoos loogu dhigo si mustaqbalka saamiga adeegyada bulshada, mashaariicda horumarinta iyo waliba ka qayb-qaadashadooda dhinaca siyaasada iyana loogu wiiqo. Tusaale ahaan, Qorshahashan-ta degmo ee Hargeysa ee lagu saleeyey hadda Diiwaan-gelintu meel uu ku salaysanyahay majiro; maxaa yeelay waa in lagu saleeyo afar-tii degmo ee maamulkii Siyaad bare laga dhaxalay AMA siddeeda degmo ee Golaha Deegaanka ee sida sharciga ah lagu soo doortay ansixiyeen. Hargeisi waxa ay ka koobnayd afar waaxood xiligi idawladii Siyaad Barre halka degmeda Ibraahim Koodbuur uu ku daray Maxamed Xaashi Cilmi Muddadii mayarka hargeysa ka ahaa. Waxa iyana xusid mudan in Golahii Deegaanka ee la soo doortay uu ku kordhiyay saddex degmo oo kala ah: Maxamed Mooge, Macalin Haaruun iyo Sheekh Cumar oo ka dhigaysa tirade guud sideed degmo. Haddaba waxaay su’aali ka taagantahay sababta guddidadiiwaan-gelintu ugatagtay saddex degmo oo Gole Deegaanoo la soo doortay magacaa been.
2. Beesha ciidagale cid ku meteshaa ma jirto guddi dadiiwaan-gelinta (steering committee-gaiyo task force ka midna) waana midda keentay in lagu jiif sado beesha marka la eego tirada goobaha diiwaan-gelinta loo qorsheeyay iyo goobaha ay ka dhigeen intaba.
3. Degmada Salaxley oo ay hoos yimaadaan in ka badan 30 tuulo ahna degmada ugu ballaadhan degmooyinka hoosyimaa dagobolka Marooji-Jeex ayaa si ula kac ah loogu yareeyay tirada goobaha diwaan-gelinta. Waxa yaab le sabab taguddi dadiwaan gelintu ugused-buriyeen degmooyin darajadoodu ‘D’ tahay oo aan gole degmo oo la soo doorta lahayn la nasiiyay tiro ka badan inta loo qoondeeyay degmada Sallaxley.
4. Diwaan-gelinta madaniga ah ee dalka la rabo in laga fuliyo waa mid aan lahayn sharciyad barlamaanku ogolaaday, waa ta keentay in sida ay doonaan xubnaha guddida diwaangelintu u jaangooyaan rabaan na in ay sida ay doonaan u maamulaan.
5. Waxa iyana xusid mudan in barnaamijyada iyo siyaasadda dawladu ay dhan kararan yihiin oo aanay haba yaratee aan waxtixgalin ah la siinin beesha. Tusale, hagardaamada joogtada ah ee arrinta biyaha balaadhinta, Jaangoyntii cadaalada darada ku dhisnayd ee tirakoob-kii wasaaaradda qorshayntu hormuudka ka ahayd iyo saami qaybsiga siyaasadeed iyo arrintan diiwaangelinta Madaniga ee maantuba waxay marag ka yihiin siyaasadda qaawan oo badheedh ka dhan ah beesha oo ay caadaysatay xukumadda kulmiye.
6. Caddaalad darradu waa sababta dawladnimadda ragaadisa kana dhigta mid aakhirka guul-daraysata. Maanta geyiga Somaliland waxa ka muuqda saan saan aad u fool xun oo ay keentay caddaalad xumada jirtaa. Waxa wax lagu cibro qaata inoogu filan sida foosha xun ee loo fogeeyay walaala heena barriga Somaliland dega oo halkii siyaasa toolmoon oo wax ka qabata cabashooyin kooda iyo sed-bursiga jira laga hirgelin lahaa loogubedelay in xabbad io dagaal xal la moodo. Waxa iyana xusid mudan dhawaqyadda saluugsan saami qaybsiga maamulka dawladeed ee ka soo yeedhaya beelaha galbeed-ka Somaliland oo horyseedi kara kacdoon dadweyne hadaan xukumadda maanta jirtaa ka waan too bin iska indho tirka badheedhka ah ee ay ku hayso Bulshadeeda, mana ku koobnaan doonto oo keliya cidhifyada somaliland.
Gebogebo:
1. Beesha Ciidagale waxa ka go’an in aannay kadhici doonin diiwaan-gelintan dhinac ka rarani dhammaan dhulkaBeeshu degto.
2. Haddii Dawladdu isku daydo in ay ka fuliso diiwaan-gelinta madaniga ah deegaanka Beeshu degto iyadoo la raacayo habka hadda wax loo qaybiyay, waxaanu ogeysiinaynaa in dawladdu masuulka noqon doonto cawaaqib xumada ka timaada.
3. Waxaan uugu baaqaynaa dhammaan Salaadiinta, Boqoradda , cuqaasha, madaxda degmooyinka Siyaasiyiinta iyo wax-garadka Beesha in ay is hortaagaan oo aanay ogolaan in la marsiiyo diwaan-gelintamadaniga ah.
4. Waxaan uugu baaqaynaa axsaabta qaranka iyo Goleyaasha sharci dejinta in ay is hortaagaan diiwaangelin aan xeer sharci ah lahayn oo horseeedi karta mushkilado hor leh iyo khal-khal siyaasadeed iyo mid amniba.
Allah Ayaa mahad leh.
Hooska dhugo nuqul Ku saabsan xogta goobaha logo qorsheeyey diwaangelinta madaniga
Golaha dhalinyaradda iyo aqoonyahanka Beelaha Daauud ismail Ciidagale.
Mucaaridkii oo hore u diidanaa:
Diidmadan ayaa culays ku sii biirinaysa tu ay hore uga qabeen asxaabta mucaaridka ah ee dalka oo ku andacoonaya in laga soo horaysiiyo diwaan-gelinta codbixiyayaasha doorashooyinka si aan dib u dhac ugu iman doorashada.
Xukuumadda iyo Asxaabta ayaa horay isugu maan-dhaafsanaa, iskuna mari waayay ta la soo horaysiinayo labada diwaan-gelinood mid waliba muhiimaddeeda leedahay.
Si kastaba ha ahaatee yooyootankan sii socda ee dhinacyada kala duwan u dhexeeya ayaa u muuqda mid caqabad ku noqon kara wakhtiga kooban ee la haysto in lagu hir-geliyo diwaan-gelinahan isbarbar yaacaya.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com