Somaliland iyo puntland ma iska caabiyi karaan Gulufka dagaal ee Alshabaabka cusub, geeridii godane kaddib
Baraawe(GNA)-Kooxda Alshabaab, ayaa doonaysa inay Saldhigeedii ugu weynaa ee looga talin jiray u rarto Buuralayda Istaraatiijiga ah ee GALGALA, todobaad kaddib markii la dilay hogaamiyahoodii Axmed Cabdi Godane.Warar hoose oo ka soo baxay Kooxda,ayaa sheegaya inay Magaalada Baraawe ka guureen Saraakiishii ugu saraysay Ururka oo uu hogaaminayo Amiirkii cusbaa ee ay dhawaan doorteen Axmed abu Cubayd, waxaana la aaminsanyahay inay tageen saldhigyada Galgala.
Axmed Dayib oo aqoon u leh Ururka Alshabaab, waxna ka qoray taariikhdii Godane, dhamashadiisii kaddib, ayaa sheegay Saldhiga Mustaqbalka ee kooxda u qorshaysnaa uu yahay inay u guuraan Buuraha Galgala oo ku yaalla Galbeedka Gobolka Bari ee Puntland.
Xogtani waxay sii tahkiidinaysaa, wararka haatan soo baxaya ee sheegaya inay Alshabaab u soo guurtay halkaasi.
Mid ka mida Baraha Internetka ee Soomaalida ayaa sheegay inay xeebta Degmada Baraawe ka soo ambo baxeen Doonyo hub iyo saanad u sida Xarakada Alshabaab, kuwaasoo u soo shiraaqday dhanka Gobolada Waqooyi bari (Puntland).
Ma jirto cid la soo xigtay oo xaqiijisay Geediga Alshabaab ee xilligan kala guurka u ah taariikhda hogaaminta ee Ururkaasi, hase ahaatee warku wuxuu intaas ku daray inay talaabadaasi qayb ka tahay istaraatiijiyada cusub ee uu shaqada ku bilaabay hogaamiyaha cusub ee kooxda Abu-cubayd.
Galgala
Galgala waa goob ka istaraatiijisan Baraawe, marka laga hadlayo xaga dagaalka, laakiinse waxa ku xeeran Maamulo awood ciidan iyo kala dambeyn ka duwan xaalada soomaaliya ku naaloonayaan shacbigoodu, oo aanay si fudud ula fal geli Karin dagaalyahanada kooxdu, dadka rayidka ah ee ku nool dhulkaasi badankiisa.
“Galgala waa Buurro lagu dagaalami karo boqol sannadood oo aanay diyaarado xataa waxba ka qaadi Karin”ayuu Gobanimonews u sheegay Nin aqoon badan u leh buuraha Goliska iyo Gobolka Sanaag.
“waa dhab oo way kala soo degi karaan hub xeebta ku gedaaman buuraha, waxaanay ku soo raran karaan doonyo toos uga soo qaadaya Yemen, waana suurto gal inay arrintaasi jirto” ayuu yidhi sarkaal sare oo ka tirsan Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland oo Gobanimonews uga waramay sida uu noqon karo Mustaqbalka Amaanka xeebaha ee Bariga Sanaag.
Sarkaalkaasoo muddo ka hor arrintan ka hadlay, ayaa tafaasiil ka bixiyay Doonyo hubaysan oo Ciidankooda dagaal kula galay Xeebta Laasqoray oo ay dhinaca Bari kaga gadaamanyihiin Buuraha ugu waaweyn ee Calmadow.
Buuralaydan ayaa saldhig u ahayd shantii sanno ee ugu dambeysay Dagaalyahano deegaanka u badan oo markii dambe ku biiray mabda’ ahaan Xarakada alshabaab.
Falaagadaas ayaa ninkii aasaasay oo magaciisa la yidhaahdo Maxamed Siciid Atom, uu dhawaan isu dhiibay dawladda Soomaaliya ee fadhigeedu uu yahay Magaalada Muqdisho.

Maxamed Siciid Atom ayaa markii uu isdhiibay si adag u dhaliilay fikirka Alshabaab oo uu ku tilmaamay mid Diinta loogu soo gabanayo, dhiiga Islaamkana lagu daadinayo.
Atom ayaa intii aanu iska dhiibin Muqdisho sanadihii 2011, 2012, 2010 ilaa horaantii 2013-dii, dagaal xooggan kula galay Maamulka Puntland Buuralayda Galgala ama (Calmadow), waxaana dagaalkaas sida ay ku taageersanaayeen Dadka Deegaanku looga soo horjeeday mashaariicdii Sahaminta iyo baadhista Macdanta iyo Shidaalka ee Maamulkii faroole Dhulkaasi ka sameeyay, sanadkii 2011.
Dagaaladaas oo sababay khasaare naf iyo maal isugu jira iyo baro-kac xoogan oo ilaa hada raadkiisu sii muuqdo, ayaa waxa la aaminsanyahay in markii dambe gobollada Koonfurta Soomaaliya iyo deegaamo kale oo Sanaag iyo Sool ka tirsan ay kaga soo biireen Dagaalyahano Jihaad doon ah oo alshabaab taabacsan.
“Ninkii ugu horeeyey ee ka tirsanaa ciidanka amniyaadka Alshabaab ee uu godane sameeyay, waxa iigu war dambeysay isagoo buuraha galgala galay” sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay Nin dhalinyaro ah oo fadhigiisu yahay Magaalada Buuhoodle., kaasoo intaas ku daray “muddo ayaan saaxiib ahayn, maalintii dambe ayaan ku arkay sawirka saxda ah ee Alshabaab oo Taleefoonkiisa ku jira”.
Hogaamiyihii la khaarajiyay ee Alshabaab ayaa faraca Alshabaab ee Buuralayda Galgala u soo magacaabay masuul cusub oo sida la aaminsanyahay socod ku soo maray gudaha Somaliland.
Waxaana ninkaasi la magacaabay muddo yar ka hor intaanu Sheikh Maxamed Siciid Atom ka degin Magaalada Muqdisho sanadkan horaantiisii.
Mugdi kuma jiro in Sarkaalka Alshabaab ee Galgala uu kordhiyay weerraradii ay fulin jireen dagaalyahanada jiidaas ku sugan, oo afartii bilood ee ugu dambeeyay fuliyay weeraro khasaare culus loogu geystay Ciidamada Maamulka Puntland.
“ Taliyihii Ciidamada Daraawiishta Puntland ee Gobolka Bari, taliyihii Bilayska, saraakiil kale oo sar sare iyo dad rayid ah ayaa ku dhintay laba weerar oo midkood gaadmo ahaa oo ay alshabaab ka fulisay Gobolka xeebta ah , gaar ahaan agagaarka Magaalada Boosaaso.
Mid ka mid ah labadaas weerar wuxuu ahaa jid-gooyo loo galay kolanyo ciidan ah oo wado marayay, waxaana lagu dilay Taliye aagii Galgala ee Daraawiishta Col. Jamac Saciid Warsame Af-guduud, kaasoo la khaarajiyay bishii March 13-keedii goor maqrib ah, maalin Isniin ahayd.
Tani waxay dhabar jab xagga amniga ah ku keentay guud ahaan Deegaamada Puntland oo cabsi weyn laga dareemay.
Dhinaca kale , Galgala waxay ahayd saldhigyadii uu Ururkii Al-itaxaad al Islaam ka bilaabay Dagaaladii uu la galay Maamulkii deegaamada Puntland laga dhisay bur-burkii soomaaliya kaddib, sanadihii sagaashamaadkii.
Al-itixaad, ayaa Dagaalkaasi ku jabiyay Madaxweynihii hore oo Puntland Cabdilaahi Yuusuf Axmed oo xilligaasi laftiisu ahaa qabqable dagaal oo deegaamada Puntland ka atooreyn jiray, balse aan wax maamul ah dhisin.
Si kastaba ha ahaatee hadii ay Al-shabaab u soo guurto Buuraha GALGALA oo ay dhab noqdaan tibaaxaha hada soo baxayaa, waxay halis ku noqonaysaa ammaanka gobollada ku xeeran Buurahaasi ee Somaliland iyo Puntland.
Somaliland, ayaa hore walaac uga muujisay khatarta abaabulka Kooxdu tan iyo horaantii sanadka ka waday deegaamada ku beegan Bariga Sanaag, sida uu sheegay Wasiirka Gaashaan-dhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo Warbaahinta Maxaliga ah u waramay.
“waanu ka war haynaa inay halkaa isku uruursanayaan dad Shide-wadeyaal ah, waxaanan heegan gelinay ciidamadeena” ayuu yidhi waraysi hore ku sheegay Cadami oo ka mida Wasiirrada u dhashay Bariga Sanaag ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka tirsan.
Puntland ayaa Somaliland ku eeddeysay bilihii ugu dambeeyay inay soo hubayso dagaalyahanada Alshabaab ee weerarrada ka fuliyay Boosaaso, hase ahaatee sida ay sawirayaan dadka arrimaha ammaanka ka faalooda, labada maamulba waxay deris u yihiin Khatar ka timaada Alshabaabka cusub ee Godane ka dhintay.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com