Thursday, September 11, 2014

Dalalka Afrika ee cudurka Ebola ku habsaday oo dhaqaalehoodu dhulka galay

IMF oo sheegtay inay la tacaalayso dhaqaale bur-burka soo foodsaaray saddexda wadan ee Galbeedka afrika ugu saboolsan

[caption id="attachment_92897" align="alignleft" width="300"]Kooxaha Gurmadka caafimaadka Kooxaha Gurmadka caafimaadka[/caption]

Washington(GNA)-Hoos u dhac weyn oo dhaqaale ayaa soo food saartay wadamada galbeedka Afrika ee uu faraha baas ku hayo cudurka EBOLA, sida ay sheegtay hay’adda lacagta adduunka ee IMF khamiista maanta.

Liberia iyo Sierra Leone ayaa dhaqaalahoodu hoos u dhacay 3.5 in ka badan, cabsida xanuunka oo sababtay in laga caago maalgashiyadii dibada iyo qodista Macdanta oo yaraatay awgeed.

Dalka Guinea oo ay ku yaallaan wershado qodista Macdaanta ka shaqeeyaa, ayaanu wali saamayn aad u culus ku yeelan cudurkani, dhanka wax soosaarka wershada, waxaase lagu qiyaasay in dhaqaale bur-burku saameeyay wax gaadhsiisan 1.5.

“dalalka Sierra Leone iyo Liberia waxa markiiba muuqata in hoos u dhac dhaqaale oo balaadhani jiro qaybta ugu weyna saameeyay”ayuu yidhi Bill Murray oo u hadlay Hay’adda lacagta adduunka ee IMF.

Waxa uu sheegay inay $100 million (£61.6 million) ilaa $130 million dhaqaale gaadhaya ay lumiyeen muddo kooban, isagoo intaas raaciyay inay ka shaqaynayaan sidii loo kabi lahaa dakhliga dawladdaha ee dalalkaas, si looga hortago khatarta dhaqaale bur-burka ah.

Dalka Sierra Leona ayuu sheegay inay suurto galtahay in 8% iyo 11.3% uu dhaqaaluhu hoos u dhaco, Liberia's-yana korodhkii dhaqaaluhu wuxuu hoos u dhacayaa 5.9 %, halka Guinea uu hoos u dhacu saameyn 2.4% ilaa3.5 %, dhaqaalihii dibada ka soo geli jiray” ayuu yidhi.

Sierra Leone, Guinea iyo Liberia ayaa ka mida wadamada ugu saboolsan ee Gobolka, waxaana haatan faro baas ku haya cudurka Ebola.

Ugu yaraan 2,300, ayaa ugu dhintay virus-ka ebola labadii bilood ee la soo dhaafay.