Saturday, September 13, 2014

Dad iyo Gaadiid uu Daad ka qaaday Dooxa Arabsiyo oo la la’yahay

[caption id="attachment_91837" align="alignleft" width="300"]Doox sii fidiya Doox sii fidiya[/caption]

Arabsiyo(GNA)-Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaadhay degmada Arabsiyo ee Gobolka Gabiley laba Gaadh ayaa waxa la tegay Dooxa weyn ee Arabsiyo gelinkii dambe ee Maanta.

Dooxan oo ay ku soo rogmadeen daadad xoogan oo ka dhashay Roobab mahiigaan ah oo ka da’ay deegaamada Gobolka, ayaa qaatay labada gaadhi oo mid ka mid ahi bas , ka kalena jaadle.

Sida ay dad goob-joogeyaal ah u sheegeen warbaahinta, waxa la la’yhay dadkii la socday gaadiidkaasi.

Dooxa weyn ee Arabsiyo ayaa caqabad weyn ku ah isu socodka gobollada galbeedka iyo caasimada dalka xilliyada roobka.

Dhawaan ayay ahayd markii qaaday laba gaadhi oo kale, kuwaasoo waxyeelo badani soo gaadhay dadkii la socday.

Dhibaatada ay geystaan dooxyada biyo mareenka ah ee laamigu ka talaabo ayaa ah mid sanad walba taagan oo aan wali maaro wax looga qabanayo loo helin.