Monday, September 8, 2014

Bixinta Cashuurta iyo Jeebka Danyarta!


by: HAMSE BAASHE MUHUMED




“Maqaal(Article) kasta oo aan qoraa wax uu ka turjumayaa xaalada dhabta ah ee uu ka hadlaayo, mana aha mid buun buunin ama beeni ku jirto, isla markaana maaha mid aan ka gaabsanayo ka hadalkiisa




[caption id="attachment_92574" align="alignleft" width="300"]Aqoonyahan xamse Aqoonyahan xamse[/caption]Sidaan kawarqabno Dalkeena oo ah mid hodan ah misan ay kajirto dawlada iyo qaran dhisan oo midnimada iyo walaaltinimadu meel ka taagantahay, Marwalbana dadka ku dhaqan dalku ay Amaan iyo bogaadin u jeedinayaan shacabkan nabada jecel iyo dawlada oo ay ku taageersanyihiin horumarka cusub ee sanadkan ugu dambeeyey kasoo ifbaxaya dhamaan waddanka, kaas oo shacab iyo dawlad ay iska kaashanayaan sidii ay ugu bixi lahayeen horumarl’aanta iyo aqoon xumada waddankeena ka jirtay mudda badan.




Hanadan waxaa jira xaalado dhab ahaan jira oo qofka lasocoda xaaladaha dhaqaale ee waddanku uu niyadiisa kusoo degdegaysa in dhaqaalaha wax laga bedelo tusaale ahaan : Subaxa hore qofka dhex lugeeya suuqyada khudrada iyo alaabta lugu iibiyo waxa u arkayaa wax uu layaabo oo ah “Hooyooyin inta ay soo guuro galeen misana suuqa yimi goor hore oo subaxnimadkii ah, kuwaaso oo ku iibinaya wax yar oo aanad is odhan lahayn dhaqaale karaadi, sida daasad xabuub kujirto, ama dhawr midh oo muus ah, waxaad arkaysaa karyoon waxyar oo aan sidaas u buurnaynin saaranyahay oo aad istidhaa malaha kan wakhtiga ayaa kaga lumay meesha, oo qofka caqliga lahi in uu u gargaaro oo wuu wax ka iibsado moyee aanu wax waydiin Karin”




Si kastaba ha ahaatee iyada oo taasi jirto ayaa dadku iska niyad wanaagsanyahay, oo iska shaqaysanayaa oo dhaliyaradii jaamacadaha kasoo baxaday tukaano yaryar (goodhiyo) iska furteen si dhaqaale raadis ooga dhaliyaan.




 




Hadaba waxa ay dadku layaabeen Xaalada oo sidaas ah dadkan cashuurta iyo lacagtan macaash-macaashka layidhaah lugu kordhinayo oo aad arkaysid hooyo ka cabanaysa in qasacadan xabuubta ahi aanay soo saarin lacagtan lugu xukumay in ay bixiso sanadkii,misan aad arkaysid meherado waxa dhexyaal iyo lacagta lugu xukumay aad moodo in ay isku sargoanyihiin.




Cashuurtu waa sharci dawladnimo misana waddan ma hourumaro hadii aanay cashuuri jirin, laakiin cashuurta noocan ah ee dadka lugu kordhinaayo sanad walba, waxaa kamuuqda wajiga dadka in ay ka calool xunyihiin misan marka aad araktid wajigooda qosol badan yihiin, Ogow oo somalidu waxay tidhaa “Afku ma duceeyo ee calaasha ayaa ducaysa”. Dadkani dawlada way amaanayaan misana way dhiiri gelinayaan laakiin hadaad hoos u baadho oo aad ogaato way ka cabanayaan oo waxay leeyihiin cashuurtu sanadba sanadka ka dambeeya way korodhaa ee cadaalad miyaa.




“Dib u jeedso oo Doolar bixi, Hadii kale dibindabyo iyo jeelbaad deristaan” kalmadani waa mid mar walba kasoo baxada dadka cashuurta uruuriya oo ugu hanjaba marka ay qofka ay lacagta ka qaadayaan, ee qofkiina aanu hore usoo qaban lacagtii.




 




 TALO:




Tan waxaa lagaga bixi karaa iyada oo danta guud meel loogasoo wadda jeesto dawlada iyo wasarada maaliyaduna ay hoos u eegaan dadka danyarta ah ee suuqa ku ganacsanaya si la iskugu calool fayoobaado oo waxqabadka iyo dhismaha waddanka meel loogasoo wadda jeesto.




 




ALLAH-MAHAD-LEH




W/Q: HAMSE BAASHE MUHUMED




E-MAIL: Xamse18@gmail.com




HARGEISA SOMALILAND