Pages

Thursday, September 11, 2014

Bangiyada Ingiriiska oo ku Hanjabay inay Scottland ka guurayaan haddii ay go’do

[caption id="attachment_98236" align="alignleft" width="300"]Scottish first survey seems, that UK could be hand over the under control region Scottish first survey seems, that UK could be hand over the under control region[/caption]

EDINBURGH(GNA)-Saddex ka mida Bangiyada ugu waaweyn dalka Ingiriiska ayaa ku hanjabay inay ka guurayaan Gobolka xoriyad doonka ah ee Scottland hadii ay dadka gobolkaa u dhashay u codeeyaan inay ka go’aan Boqortooyada Britain.

Arrintan ayaa soo baxday, iyadoo ra’yi uruurin todobaadkii u dambeeyay la sameeyay tilmaamaysa inay dadku u badanyihiin inay helaan madaxbanaani buuxda.

Lloyds iyo Royal Bank of Scotland oo labadoodaba Dawladda Ingiriisku leedahay, ayaa sheegay inay xarumahooda u rarayaan Dalka ingiriiska, hadii gobolkani ka go’o dalka UK.

Mid ka mid ah Maamuleyaasha Bangiyadaas ayaa la sheegay inuu kulan uu shaqaalaha la yeeshay ku war-geliyay inay taasi dhici karto, saameyna doonto Dhaqaalaha iyo nolosha dadka Scottish-ka ah.

TSB Banking Group oo hoos-taga qayb ahaan Lloyds,ayaa isna sheegay inay ka guurayaan Gobolkan gooni- u goosadka raadinaya.

Todobaadyada soo socda ayaa la filayaa inay codbixinta rasmiga ah dhacdo, taasoo lagu kala ogaan doono halka ay ku dambeyn doonaan rabitaanka dadka Reer Scottland ee madaxbanaanida doonayaa, waxaana muuqata in inta ka horaysa ay Bangiyada hanjabaada soo saaray talaabo qaadi doonaan.

Scottland ayaa wakhti dheer ku taamaysay inay xoriyad ka qaadato boqortooyada Ingiriiska, waxaana dhowr jeer guul-daraystay iskudayo hogaamiyeyaasha siyaasada ee dalkaas ka dhicisoobay.

Maan-gashadeyaasha Scottishka ayaa ka welwelsan in Uk sheegato dhulbadeedka Waqooyiha ee Saliida iyo Gaasta Qaniga ku ah.