Arabsiyo(GNA)-Masuuliyiinta Gobolka Gabiley ayaa ka gaabsaday inay tafaasiil ka bixiyaan shaqaaqo ka dhalatay Masaajid ku yaalla Degmada Arabsiyo oo ay culimo awdiinka Madaaladu ku kala qaybsameen cida maamulaysa.
Khilaafka ayaa u dhexeeya labada firqo diimeed ee Qaadiriyada iyo selefiyiinta.
Dad goob-joogeyaal ah Gobanimonews u sheegay in murankan oo muddo soo jiitamayay sii xoogaystay maanta, isla markaana ficil dhaliyay, taasoo keentay in dad kala taageersan labada dhinac kacdoon sameeyaan.
Warku wuxuu intaas ku darayaa in masaajidkan oo cusub markii hore loo balanqaaday in culimada qaadiriyada lagu wareejin doono, marka uu dhamaado, hase ahaatee halkii lagu wareejin lahaa Selefiyiintu ku qabsatay, taasina khilaafka dhalisay.
Ciidamada ammaanka ee Gobolka Gabiley ayaa la sheegay inay soo gaadheen magaalada goor sii horaysay, iyadoo dhinaca kalena wasiiro iyo masuuliyiin kale oo dawladda ka socdaa goobtaas gaadheen si ay xaalada u dejiyaan.
Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Gabiley Cali Cabdi Cabdilaahi (Cali-case) oo aan Khadka Telefoonka kula xidhiidhnay isagoo ka ku sugan Magaalada Arabsiyo ayaa ka gaabsaday inuu tafaasiil ka bixiyo dhacdadan.
Warkan oo faahfaahsan goor-dhow filo...