Diinsoor(GNA)-Xarakada Alshabaab ayaa sheegay in goob fagaare ah lagu toogtay laba Askari oo ka tirsana Ciidanka Dawlada Soomaaliya oo ay qabteen, kuwaasoo maxkamad ay ku xukuntay Dil, kaddib markii sida ay sheegeen lagu helay Dambiyo.Labadan Askari ayaa lagu helay sida ay alshabaab sheegeen inay la shaqaynayeen Ciidanka Itoobiya, waxaan mid ka mida laga soo qabtay Degmada Tiyagleew oo ay dhawaan Ciidanka dawladdu ka saareen kuwa Alshabab.
Qaadiga Maxkamadda Alshabaab ee Bay iyo Bakool oo warbaahinta u akhriyay xukunka ay muteysteen eedaynayaasha ayaa sheegay in ciidanka Alshabaab ay tuulada Buula Xaawo ee duleedka degmada Bardaale kasoo qabteen askari katirsanaa ciidanka DF-ka islamarkaana la shaqeynayay ciidanka Xabashida Itoobiya.
Sidoo kale sarkaal PS-ta katirsan oo laga soo qabtay dhanka degmada Tayeegloow ayaa kamid ahaa labada qof ee maanta gelinkii dambe Diinsoor Lagu toogtay.
Mas’uuliyiin katirsan wilaayada Islaamiga Bay iyo Bakool ayaa digniin udiray kuwa la shaqeeya Itoobiya.
Arrintan ayaa u muuqata mid jawaab u ah talaabada dawladdu ku amartay in toogasho lagu fuliyo dagaalyahanada Alshabaab ee dagaalka lagu qabto.
Bishii hore ayaa dawladda fagaare ku khaarajisay saddex Nin oo alshabaab ka tirsanaa, kuwaasoo sida ay maxkamadda ciidanku sheegtay lagu helay inay qayb ka ahaayeen weeraro argagixiso.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com