Pages

Thursday, August 7, 2014

Xukuumadda oo meel-marisay Sharci lagu Madnuucayo iibinta iyo soo dejinta hubka


Mid ka mid ah dalalka hubka ugu badan ku jiro gacanta shacbiga oo xal mooday talaabadan?Warbixin




 [caption id="attachment_92547" align="alignleft" width="300"]Fadhiga shirka Wasiirrada Fadhiga shirka Wasiirrada[/caption]Muqdisho(GNA)-Mid ka mid ah dalalka ammaan daradu ka jirto ee adduunka, ayaa doonaya inuu xakameeyo qaadashada, iibinta iyo soo dejinta rayidka ee Hubka wax lagu dilo,waa arrin isweydiin badani ka iman karto.




Dalka Soomaaliya oo ah waddan 23 sanaddood hoy u ahaa hubka Sharci darada ah iyo xiisaddo kala duwan, ayaa markii ugu horaysay dawladdu doonaysaa inay aasaasto xeer lagu madnuucayo Hubka rayidku qaato.




Qaramada midoobay ayaa dhawaan khafiifiyay cuno-qabateyntii Hubka ee Soomaaliya, taasoo inkasta oo muran ka dhashay ogolaanshiyaheeda xilligan ee Golaha ammaanka, hadana lagu adkaystay in hub la soo degista loo fasaxo waddankan colaaduhu ka jireen sanadaha badan ee soo kabanaya.




“waxaan u baahanahay inaan Ciidamadda kala duwan ee dalkeena tayayno si aan ammaanka dalkeena ula wareegno mustaqbalka, taasna waa in nalaga taageero qalabaynta ciidamada kala duwan iyo dhismahooda”sidaasi waxa Isniintii Waraysi ku sheegay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo ku sugan Washington DC.




Iyadoo la odhan karo wakhtigan hubka yaalla Soomaaliya ee gacanta shacabka ku jiraa waxa uu ka badanyahay kan lagu caawiyay Ciidamada Soomaaliya shantii sanno ee u dambeeyay, hadana golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Somalia, waxay maanta cod ku meel-mariyeen hindise sharciyeed lagu madnuucayo Iibinta iyo soo dejinta Hubka.




Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  oo maanta isugu yimid kulankoodii caadiga ahaa ee Khamiista, kaasoo uu Shir Guddoominayey Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed, ayaa sidoo kale  warbixin ku saabsan xaaladda ammaan ee dalka looga dhageystay Wasaaradda Amniga Qaranka.




[caption id="attachment_92546" align="alignleft" width="300"]Afhayeenka Xukuumadda Afhayeenka Xukuumadda[/caption]Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Ridwaan Xaaji Cabdiwali ayaa warbaahinta u sheegay sidaasi.




“Ciidamadda Ammaanka oo kaashanaya Shacabka Soomaaliyeed waxay ka hortageen Miinooyin la rabay in lagu waxyeeleeyo dadka usoo dalxiis taga Xeebta Liido, waxaa la fashiliyay Shabakad ka jirtay deegaanka Xariryaale ee degmada Wardhiigley labo kamid ah Horjoogayaashii Shabakaddaasna gacanta ayaa lagu soo dhigay” ayuu yiri Wasiirka Amniga Qaranka.




Mudane Khaliif Axmed Ereg ayaa intaasi ku daray “ Howlgallo wadajir ah oo Ciidamadda amnigu sameeyeen Todobaadkan waxaa lagu soo qabtay 11 Horjooge oo ku jiraan labo lagu tuhunsanyahay dilkii Xildhibaan Sheekh Aaden Mad-deer, sidoo kale waxaa la qabtay hub sharci darro ah welina baaritaano ayaa socda, Sirdoonka Soomaaliya iyo Kenya ayaa dhanka kale iskaashanaya waxay gacanta kusoo dhigeen nin lala xiriirnayo Shabaab inuu u qaabilsanaa dilalka Wariyayaasha dhawaana dowladda Soomaaliya ayaa lagu soo wareejin doonaa ”.




Gabagabadii kulanka kaddib, ayaa goluhu ka doodeen qodobo dhowr ah oo ay ugu horeysay Hinside Sharciyeedka Hubka wax-dila , kaasoo falanqeyn dheer kadib si buuxda loo meel mariyay, dhawaana loo gudbin doono Golaha Baarlamaanka.




Sharcigan ayaa awood u siinaya dowladda Soomaaliya in ay xakamayso iibka iyo soodajinta Hubka, waxana arrintay qeyb ka tahay dadaalka la doonayo in lagu xaqiijiyo ammaanka guud ee dalka.




Daraasado kala duwan oo laamaha Qaramada midoobay iyo Uruurada kale ee Caalamiga soo bandhigeen dhowr jeer sanaddo hore, ayaa lagu sheegay in hubka Sharci darada ah looga soo dhoofiyo Soomaaliya, waddanka Yemen.[caption id="attachment_92548" align="alignleft" width="300"]Noocyo ka mid ah Hubka fudud Noocyo ka mid ah Hubka fudud[/caption]




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com