Pages

Sunday, August 3, 2014

Xoggo laga helay sababta dhalisay Khilaaf ka dhex qarxay Jileyaasha Sooraan iyo Jawaan?


Jilayaasha Sooraan Iyo Jawaan iyo sawir qaadaoodii inta badan ay isku mid ahaayeen oo khilaaf soo kal dhexgalay+ Xogo dheeraad ah +gacanta ay dawladu ku lahayd dhoofkooda iyo khilaafka




soran iyo jawanYaasiin Balbalaadhshe oo ah kamara maankii sooraan iyo jawaan oo ahaa qofka sadexaad ee hawlaha shaqo ee jilaanimada ku weheliyay  una qaabil sanaa si waxaq ay wadaan Bulshadu u gaadho,isla markaana markii ay jilayaashani kasoo noqdeen dalka ingiriiska usoo kala dhexgalay iyaga iyo kamara maankooda khilaaf ba,ani kaasoo sababay in laysu adeegsado heer ashkato,isla markaana ay dadwayanaha reer Burco ee isku ogaa Jilayaashan iyo saaxiibkoodan yaasiin ay aad u hadal hayeen,jilayaashan oo aad loo daawado ayaa waxay filimaan ka meteleen qaybo kal duwan,sida salaadiinta,Mucaaradka,tahriibta,Saxaafada oo ah ta kaliya eee heerkan soo gaadhsiisay iyo waliba qaybo kale oo Bulshada ka mid ah  inkasta oo aan Jilayaashan mar kaliya lagu arag iyagoo toosinaya ama  wax ka sheegaya dawlada uu hogaamiyo Madaxwayne siilaanyo,taas oo ay soo caanbaxeen intii ay dalka ka talinaysay,hadaba is qabsiga Jilayaashan iyo sawir qaadahooda ayaa waxay kashiftay waxa badan oo markii hore ay Bulshadu ku tilmaami jirtay,




yaasiin Xasan Cali (Yaasiin Balbalaadhshe) oo ah kamara maankii ay saaxiibka dhaw ahaayeen Jilayaasha Sooraan iyo jawaan oo ka waramaya sidii ay shaqdoodu ku bilaabantay iyo siro badan oo kale ayaa hadalkiisa ku bilaabay''




in badan oo gaadhaysa shan  sano  ayaanu wada shaqayanaynay nimankaas Sooraan iyo jawaan,iyaguna waxay hayeen afsoomaali waxay ahayeen jilayaal aniguna waxaan ahaa kamaramaan oo waxaan ula imi qalab dhamaystiran oo agabka loo adeegsado duubista kala duwan haday kamarado tahay iyo haday kaambiyuutaro tahayba, waxaanan ku shuraakawnay dar illaahay,horumar badan iyo filimaan badan ayaanu samayanay si aanu ugu soo baxno,sidii aanu shaqadaas u wadnay markii aanu ilaa filimaan laabataneeyo ka badan duubnay ayaa qalabkaygii xumaaday,kadib si hawshii usii socoto waxay saaxiibaday ila baadi dooneen qalab waxaan qalabkii ka raadinay hargaysa waxaana u tagnay wasiirka madaxtooyada anakoo u sheegnay in qalabkii aanu haysanay ee ahaa laabtooga iyo kamarada ay naga bur bureen kadib waxa uu noo qoray kamarada iyo laab too,kamradaas iyo laabtoogaas anigaa xushay oo dukaankii kasoo baadhay,sidaas ayaan hawshii kusii waday iyana ay igu gudoonsiiyeen qalabkaas,waxaa kale oo iyana nasoo wada galay gaadhi uu wasiir xirsi noo  iibiyay,isla markii uu gaadhigaasi nasoo galay waxaanu wasiir xirsi u doonananay barnaamij ah wacyi galinta wadooyinka kasoo noo suurta galay,waxaan ku kala bixinay wacyi galintii anakoo isu  soo maray Boorame ilaa Ceerigaabo,dabadeed kharashkii ayay mad madmadaw galiyeen oo yidhaahdeen lacagtii way naga luntay,dabadeed wasiirkii ayaanu ku noqonay anagoo sidii u wada socona oo ah rag isku duuban ayuu wasiirku yidhi labadiinan waa Sooraan iyo jawaane waxaan idiin soo helay Dhoof, ka dib nin ka mid ah askarta Guriga wasiir Xirsi jooga ayaa yidhi'Ninkani  (waa aniga e)waa ninkii waxaas oo film ah ka duubay waana laf dhabartoodii ee haka reebin,waxaanu wasiirku ku jawaabay anigu maan ogayn,halkaas markay maraysay anigu arintaas waan yar diiday arintaas nimankii aanu isku mid ka ahayn in nalaka saaro, dabdeedna waa nala dhexgalay oo waxaa laygu yidhi fasax nimakaas siina dhaari inay adiga kuu maqanyihiin  oo aad isku mid tihiin waxa ay soo helaan aad wada leedihiin sidii ayaanay iigi dhaarteen oo ay ku tageen,aniguna gaadhigii ayaan soo kusoo celiyay Burco,Adisababa markay marayeen ayay ila soo hadleen oo yidhaahdeen gaadhiga noo dhig oo ku xaree Guryahayaga mid ka mida sidii baan ku xereeyay Xumaan umaan qaadane ,halkaas ayay ku beeniyeen wixii aanu isla ogayn,markii ay ingiriiska gaadheen ayaa la waydiiyay waxan  oo filimo qurxoona yaa idiin duuba waxaanay ku jawaabeen kaliya waxaa noo fududeeyay tiifiiga Hon kayabalka oo ahaa ka aanu sadexda yaduba mushaharka ka qaadan jiray filimadaa iyo riwaayadahaa aanu duubayno kaliya.ka dib markii ay soo noqdeen sidii aanu sugaayay saaxiibaday xagaygaba may soo eegin,mudo ka dib waxaan ku war helay Guryay dhisanayaan,waxaa ii xigtay alaabtii aan hayay  ee naga dhaxaysay ee waliba ahayd alaabtaydii Burburtay badalkeedii inay yidhaahdaan soo wareeji oo saldhiga iyo dawlada lay adeegsaday sidaasna alaabtii laygaga wareejiyay sidaasna ay farahayga kaga baxday ,halkaas markii ay maraysay ayaa arintii waxa galay odayaal labada dhinac ah dhinacayga iyo dhinaca sooraan iyo jawaan waxaanay garnaqsigoodii ku sheegeen hadaladan is Burinaya'' inaanu wasiirku dhoofin ee ay dhoofisay inanta dhoofisa abwaaniinta ee Ayaan Cali''waxay ku doodeen alabaataas laabtooyada iyo kamaradaha inay dawladu leedahay ''waxay kale oo ku gar naqsadeen inaan gaadhiga wasiirku noo  iibin''waxaanay sheegeen in iyagoo goobtii fadhiya uu wasiirku lasoo hadlay sidaas awgeed waxaa lagu dhaariyay wixii ay yidhaahdeen wasiirku wuu nagu yidhi iyo cadaynta waxan ay sheegeen,sidaas ayay ku dhamaatay oo waxaan ahay qor ilaalahay aaminsan dhaartana qaatay wixii aan hayay sidaas ayay gacanta dalada igaga wareegeen laakiin aniga waxa kaliya ee lay soo qaaday waxay ahayd kamarad yar oo aan lahaa oo la yidhi u keena taas oo aanan wali hayn.