Pages

Friday, August 22, 2014

Xaglo-toosiye oo dib soo maslaxaya Fu’aad Aadan Cadde oo wali Xudun cadho ku jooga


Xukuumadda oo Guluf siyaasaddeed ku soo jiidanaysa Bulshada ku dhaqan Sool, si aanu Cali Khaliif ugala wareegin...




[caption id="attachment_93594" align="alignleft" width="300"]Xaglo-toosiye waajahaya ladqabo siyaasadeed Xaglo-toosiye waajahaya ladqabo siyaasadeed[/caption]Hargeysa(GNA)-Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleeban Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), ayaa safar ugu kicitimaya jimcaha Gobolka Sool, maalin uun kaddib markii uu ka soo laabtay booqasho howleed oo uu ku soo maray deegaamada Gobolka Saaxil ee Xeebta iyo gubanka.




Waxa uu ku biirayaa wefti Xukuumada ka socda oo horey u sii joogay Gobolka, gaar ahaan Magaalada laascaanood, kuwaasoo uu hogaaminayo Wasiir u dawlaha arrimaha bariga ee Xukuumadda Cali Sandule.




Sida ay Gobanimonews u sheegeen ilo-wareedyo ku dhadhow Socdaalka Wasiir Xaglo-toosiye ee Sool, waxa uu ku wajahanyahay Degmada Xudun oo uu ladqabo ahaan ugu tegayo La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bariga Fu’aad Aadan Cadde oo cadho ku jooga Degmada Xudun, kaddib markii Ismaandhaaf soo kala dhex galay Xukuumadda uu ka tirsanyahay.




Fu’aad Aadan Cadde oo maalmihii la soo dhaafay la hadal hayay inuu Puntland u socdo, islamarkaana ka daba tegayo Siyaasiga Axmed Cabdi Xaabsade, ayaa hadana wali ku sugan Degmada Xudun oo uu deegaan ahaan ka soo jeedo.




Siyaasigan ayaa jawaab cad laga waayay, kaddib markii ay warbaahintu qod-qoday, kuna tilmaamay  hadal haynta warka laga soo sheegay “warkaasi waa male maluhuna Run wuu noqon karaa beenna wuu noqon karaa”ayuu yidhi.




Inkasta oo hadal hayntii maalmo ka hor ee Fu’aad Aadan Cadde ay yara shiiqday Usbuucan dhamaanaya, hadana ladqabada Xaglo-toosiye loogu diray ee hada timi ayaa muujinaysa inuu wali cadhadii ku maqanyahy Ruugcadaadigan reer Sool ee xilalka ka soo qabtay xukuumadihii Somaliland soo maray.




Sidoo kale xaglo-toosiye wuxuu waajahayaa guux siyaasaddeed oo ka taagan Gobolka Sool, gaar ahaan Magaalada Laascaanood iyo deegaamada kale ee gacanta Somaliland ku jira, guuxaasi oo ka dhashay isbedelka Maamulka la baxay Khaatumo, siiba doorashada Madaxweynaha Maamulkaas ee cusub oo isugu ah Siyaasiga ugu miisaanka culus dadka Bulshada Gobolk Sool.




Doorashada Galaydh ee Madaxweynaha Khaatumo ayaa micno badan u samaynaysa sida ay aaminsanyihiin dadka Gobolku, maadaama uu yahay Shakhsiyad miisaan leh, taasoo ay Xukuumadda Siilaanyo doonayso inay ku moosto guluf siyaasaddeed oo ay dadka deegaanka ku soo jiidanayso.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com