Pages

Friday, August 15, 2014

Xaflad lagu furay sanad-dugsiyeedka Machadka l-Mustaqbal oo Burco ka dhacday + sawiro


S5550258Burco(GNA) Dugsiga Hoose Dhexe Sare Ee Al-Mustaqbal  Oo Ka Mida Dugsiyada Gaarka Loo Leeyahay Ee Ku Yaala Magaalada Burco Ee Xarunta Gobolka Togdheer Ayaa Munaasibada Balaadhan U Qabtay Furitaanka Sanad Dugsiyeedkii 2014 Waxaana Sidoo Kale Munaasibadan Lagu Furaayey Sanad Dugsiyeedka Cusub Ee 2014-2015ka dhismaha Dugsigaasi




Munaasibadani Oo Ay Ka Soo Qayb Galeen Gudoomiyaha Wasaarada Waxbarashada Ee Gobolka Togdheer,Gudoomiyaha Xafiiska Waxbarashada Gobolka Togdheer Ee Dallada Geeska Afrika,Culimo awdiinka Gobolka Togdheer   Maamulka Iyo Macalimiinta Dugsiga Hoose Dhexe Sare Ee Al-Mustaqbal  Waalidiinta Ardayda Dugsiga, Iyo Ardaydii Kala Duwanayd Ee  Loo Qabtay.




 xafladaas waxa furitaankeedii ka Hadlay Maamulaha Guud Ee Dugsiyada Al-Mustaqbal Boording Schools Sh.Cabdilaahi Daahir Jaamac (Cabdilaahi Baashe) Isagoona Ka Xog Waramay Aas-Aaskii Dugsigan Marxaladahii Kala Duwanaa Uu Soo Maray Iyo Halka Uu Maanta Maraayo Waxaana Uu Yidhi




 “Waxaan Halkan Hambambalyo Uga Dirayaa Ardaydii Kaalmahii Hore Ka Gashay Sanad Dugsiyeedkii Ina Dhaafay Ee Dugsiyada Al-Mustaqbal Oo Maanta Halkan Lagu Gudoonsiin Doono Abaal Marino Kala Duduwan WWaxaan Idiin Rajaynayaa Guul Iyo irumar Joogto Ah, Sidaad Ka War Haysaan Dugsiga Al-Mustaqbal Waxa Uu Jiraa Ama Se Uu Sanadkan Galay Sanadkisii 9aad Sanadka Soo Socda Ayaa Insha Allah 10 Guuradisii Loo Dabaa Degi Doonaa Hadii Eebe Idmo Waxay Ahayd 2006 Markii La Furay Ama Lagu Dhawaaqay Dugsiyada Al Mustaqbal Schools, Runtii Mudadaas Uu Iskuulku Jiray Waxa Uu Sameeyey Horumar Balaadhan, Waxa Uu Soo Saaray Arday Tiro Badan Oo Leh Tayo Iyo Aqoon Labaduna Waa Ay U Kordheen, Sidaad Ka War Qabtaan Dugsiyada Al-Mustaqbal  Waa Sadex Qaybood, Qaybi Waa Dugsiga Hoose Dhexe Oo Ka Bilaabma Fasalka 1 Ilaa 8aad Iyo Qaybta Dugsiga Sare Iyo Qaybta Hoyga Ah Ee Dugsiga, Sanad Waliba Qorshahiisa Ayuu Leeyahay Hadaba Su,aasha Isweydiinta Mudan Ayaa Waxay Tahay Muxuu Soo Kordhiyey Dugsiyada Al-Mustaqbal Sanadkan, Horta Dugsiyada Al Mustaqbal Waxa Lagu Soo Kordhiyey Qayb Afaraad Oo Ah Lix Ilaa Lix. Aad Iyo Aad Ayaan Runtii Ugu Mahad Celinayaa Waalidiinta Ardayda Dhigata Dugsiyada Al-Mustaqbal Iyo Macalimiinta Dhamaan” Ayuu Yidhi Maamulaha Guud Ee Dugsiyada Al-Mustaqbal.      




Xubno Ka Mida Waalidiinta Dugsigani Al-Mustaqbal Oo Iyana Intii Ay Munaasibadaasi Socotay Hadalo Ka Soo Jeediyey Ayaa Waxa Ay Bogaadiyeen Waxbarashada Haboon Ee Uu Dugsigani Siiyo Ardayda Kala Duwan Ee Wax Ka Barta Iyakoona Sidoo Kale Hambalyeeyey Ardaydii Kaalmaha Hore Ka Gashay Sanad Dugsiyeedkii Tagay.




 




S5550215 S5550242  S5550293 S5550295 S5550298 S5550319




 




Xafladaasi Xidhitaanka Sanad Dugsiyeedka Dugsiyada Al-Mustaqbal Ayaa Waxa Ka Hadlay Gudoomiyaha Wasaarada Waxbarashada Gobolka Togdheer Xasan Jaamac Waxaanu Hambalyeeyey Dugsiyada Al-Mustaqbal Iyo Ardayda Wax Ka Barata Guud Ahaan Dugsiga.




Waxaana Uu Yidhi “ Runtii Aad Ayaan Ugu Mahad Celinayaa Dugsiyada Al Mustaqbal Iyo Guud Ahaan Ardayda Wax Ka Barata Waxaanan Ku Amaanayaa Kaalinta Fir-Fircoon Ee Ay Ka Ciyareen Wax-Barashada Gobolka Togdheer Ka Wasaarad Ahaan Dugsiyadani Al-Mustaqbal Waxa Ay Ka Mid Yihiin Kuwaanu Ku Xisbaatano Kan, Aad Ayaan Ugu Hambalyeynaynaa Ardayda Wax Ka Barata Guud Ahaan Gaar Ahaan Ardaydii Kaalmaha Wanaagsan Ka Galay Sanad Dugsiyeedkii Dhamaaday Kana Waxaan U Rajaynayaa In Ay Ka Sii Badin Doonaan Dedeaalka Arday Ahaaneed Iyo Kan Dugsi Ahaneedba”




Gagabadii Munaasibadaasi Ayaa Waxa Halkaasi Abaal Marino Kala Duwan Lagu Gudoonsiiyey Ardaydii Kaalmaha Hore Ka Gashay Imtixaanka Sanad Dugsiyeedkii Tagay.




Axmed Muuse Maxamed




Gobanimonews




Burco Office




Email: axmedmm9@hotmail.com