Sunday, August 10, 2014

Xafiisyada Maxkamaddaha Hargeysa oo laga Madnuucay Telefoonka gacanta?


"Madaxweynuhu haduu soo galo Maxkamadda Telefoon looma ogola"Ilaalada Maxkamaddaha




MaxkamaddaHargeysa(GNA)-Maxkamadda Dawladda ayaa laga madnuucay in laga galo Telefoonada gacanta, xilliyada ay furanyihiin ee ay dadku adeegyada u soo doontaan, arrintaasoo in muddo ahba socotay.




Askarta Maxkamaddaha Ilaalisa  ayaa lagu amray inaan qof Mobile sitaa Maxkamadda dhexdeeda soo geli gelin, gaar ahaan Xafiisyada iyo Hoolalka Dacwaduhu ka socdaan.




Maxkamaddaha ayaa hore waxa uga madnuuc ahaa marka dacwadaha lagu jiro qalabka wax duuba, qorista hadalka iyo wixii la hal maala, taasoo si gaar ah Saxaafadda iyo dadka arrimaha dacwadaha wax ka qora aan loo ogolaan jirin.




Hase ahaatee arrintan Telefoonada gacanta lagaga joojiyay in lala galo gudaha Maxkamadda ayaa  ayaa ah mid cusub, isla markaana aanay wali dadku la qabsan “Amarbaa nalugu siiyay hadii Madaxweynuhu noo soo galo inaanaan sii daynin isagoo Telefoon sita, macdalaa waa qof shicib ah”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay mid ka mid ah Ilaalada Maxkamaddaha  Albaabka dadka ku kala horayay.




Gabadh kale oo Askariyad ah oo Ilaalada ka mid ahayd ayaa sheegtay “annagu waxaanu fulinaynaa amar nala siiyay ee cidna kuma xad gudbayno”.




Xubno ka mida Masuuliyiinta Maxkamadaha oo Gobanimonews wax ka waydiisay sababta keentay madnuucista Telefoonada Gacanta ee Maxkamadaha, ayaa ku doodday inay arrintani la xidhiidho sugida amniga Maxkamadaha.




Waxa ay sheegeen in Telefoonadu halis badan leeyihiin marka laga hadlayo xagga amniga, sidaas darteed loo baahanyahay in laga taxadiro waxyeeladooda.




Xafiisyo kale oo Telefoonka laga madnuucay




Aqalka Madaxtooyada Somaliland ayaa ah xafiiska qudha ee ay hore uga madnuuc ahayd in Mobile-da lala galo qaybta Xafiisyada, waxaana dadka aan masuuliyiinta ahayn iyo Saxaafadda Telefoonada lagaga reebaa meel dibada ka ah Xafiisyada, halkaasoo shaqaale u qaysan ka hawl-galaan.




Farqiga u dhexeeya Maxkamaddaha iyo Madaxtooyada ee Telefoonada aan la ogolayn ayaa ah,i Maxkamadduhu ma laha meel qofku Telefoonka sii dhigto, iyadoo qofka aan gaadhi wadan ama cid uu u sii dhiibtaa la socon ku khasbanaanayo inuu Dukaamada ka soo horjeeda u dhiibto.




“marbaanu u samaynayn meel la sii dhigto, dabaddeedna qaarbaa iska qaatay Mobile aanay lahayn”sidaasi waxa yidhi mid ka mid ah Garsooreyaasha Maxkamadda Degmada oo u jawaabayay Masuul dawladda ka tirsan oo Telefoonkiisa gacanta dibada laga dhigay, xilli uu muraad hawleed Maxkamadda u tegayay.




Telefoonada gacanta ayaa ka mid ah alaabooyinka fudud ee tuugadoodu badantahay, waxaana inta badan gacantu kaga dhacdaa Dhalinyarada oo si fudud u qaata marka ay dayac kula kulmaan.




Xabsiyada iyo goobaha kale ee rayidka ka madnuuca ah ayaan sidoo kale lala gelin Telefoonka gacanta, inkasta oo beryahan dambe uu ka mid noqday faro-laabka caadiga ah ee dadka, sida qalimada, Buuggaagta iyo agabka kale ee daruuriga u ah hawl-maalmeedka shaqada dadka ilbaxa ah.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com